4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Shacabkeenna iyo ciidankuba waa inay si wadajir ah u garab istaagaan Walaalaha Turkiga”


Axad, July 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud  oo ay wehliyaan wasiirrada arrimaha gudaha iyo ammaanka iyo wasiirka difaaca ayaa maanta booqday safaaradda Turkiga ee Soomaaliya; isagoona gudaha safaaradda kulan kula qaatay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Kamaludin Kani Torun.

Madaxweynaha ayaa uga tacsiyeyey shacabka iyo dowladda Turkiga weerarkii ay Xarkada Al-shabaab ku qaaday shalay xarun ay deggenaayeen shaqaalaha safaaradda Turkiga.

”Allaaha u naxariisto dadkii ku dhintay weerarkaas, kuwii dhaawacyadu ay kasoo gaareenna caafimaad deg-deg ah ayaan u rajeynayaa. Turkigu waxay astaan u yihiin nabadda Soomaaliya, kooxaha weerarayna waa kuwo kasoo horjeeda nabadda iyo howlaha horumarineed ee walaalaheen Turkiga ay ka wadaan dalkeenna, sida dhismayaasha dugsiyada, waddooyinka, isbitaallada casriga ah  iyo howlaha kale,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday Turkiga ayaa waxaa ku dhintay askari ka mid ah ilaaladii xaruntaas iyo saddex qof oo Soomaali ah, kuwaasoo kala ahaa laba qof oo weerarka geystay iyo arday Soomaaliyeed oo goobta marayay.

“Ciidamadda ammaanku iyo shacabka Soomaaliyeed si wadajira ha waa inay u garab-istaagaan walaalaha Turkiga, waad og-tihiin sida dhabta ah oo ay u soo gurmadeen inoona garab-istaageen iyadoo lagu xilli xilli adag,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambeyn, danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay inay kasii shaqeyso gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan howlahooda hor-istaagi doonin weeraro noocan oo kale ah,“ ayuu tiri Kamaaludiin.

Dajiruhu wuxuu sheegay in weerarkii shalay xaruntooda lagu qaady uu ahaa mid lagu doonayay in lagu joojiyo howlaha Turkiga uu ka wado Soomaaliya; laakiin ma joojin doono, waana isi ballaarinaynaa.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo qaar ka mid ah golihiisa ayaa iyaguna maanta booqday xaruntii shalay la weeraray, isagoo weerarkaas ku tilmaamay mid fulaynimo ah oo dowladdu ay ka hortegi doonto inuu soo laabto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya