4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo Booliska Somaliland ku wareejiyay gaadiidka gurmadka deg-degg ah (SAWIRRO)


Arbaco, July 24, 2013 (HOL) — Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa shalay Taliska ciidamadda booliska  ku wareejisay gaadiidka gurmadka degdeg ah oo ka shaqayn doona amaanka xaafadaha magaaladda Hargeysa.

Gaadiidkan oo ka kooban ilaa labaaatan gaadhi ayaa wasiirka Arrimaha guduhu ku wareejiyey Taliyaha ciidanka Booliska, taas oo si rasmi ah uga shaqayn doona xaafadaha magaaladda dhexdeeda, waxaanay gaadiidkani ku rakiban telefoonadii lagala soo xidhiidhi lahaa iyo askar ku filan oo baabuur walba la socda.

“Waxa aanu ugu tallo galnay gaadiidkan ciidamadda gargaarka degdega ah in ay ugu gargaaraan dadweynahana reer Somaliland in ay kaga gam’aan ama kaga seexdaan, dawladuna in ay ka war hayso ay dareemaan”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Cali Warancade oo ka waramayey waxay ka shaqayn doonaan gaadiidkani, waxaanu intaas ku daray “Gaadiidkani waxa uu kaga duwan yahay kuwii hore ee jiray waxa uu leeyahay Numbar la yidhaahdo 999, kaas oo aan marnaba mashquul noqonaynin, qofkuna uu soo garaaci doono hadii uu wax yar dareemo, wax yar ka dibna waa la dul imanayaa”.

Wasiirka ayaa sheegay inay dhowaanahan soo baxeen dhalinyaro yaryar oo dadka dhibaatooyin u gaysta wakhtiga habeenkii, kuwaas oo moobiladda ka dhaca dadka,taas oo uu sheegay in ciidankani wax badan ka tari doono amaanka xaafadaha iyo wax ka qabashoodda, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa soo baxay dhalinyaro iyagu habeenkii xaafadaha wareega dadkana dhibaato u geysta, waxaanu u sahlaya dadka in ay dhalinyaradaas oo iyagu Mobileka doonaya in ay ka qadaan qofkaasi uu hoosta ka garaaco 999 dabadeedna iyaga oo ku mashquulsan ay soo gaadhaan ciidamadu, sidaasna lagu qabto”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade waxa uu xusay in ay gaadiidkaasi wareegi doonaan xaafadaha kala duwan ee Hargeysa 24-ka saacadoodba, waxaanu sheegay in laga maarmi doono qofkii iman jiray saldhigyada booliska ee la raacin jiray askarta ay u fududaan doonto oo uu soo garaaci doono numbarkooda oo ah 99 ka dibna halka uu joogo loogu iman doonno.

“Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland isaga oo muddo yar oo kooban joogay waxa uu nagu soo wareejiyay gaadiidkaas badan ee aad arkaysaan, waxaanay wax badan ka qaban doonaan dhinaca nabadgalyadda, waana adeeg runtii u sahlaya shacabku in ay ku helaan wax ay doonayaan”ayuu yidhi taliyaha booliska Somaliland Fadal Iimaan oo sheegay inuu wasiirku ugu deeqay gaadiidkan, isla markaana uu isagu u gartay inuu gaadiidkaasi loo baahan yahay cid kalana aanay ku caawin.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha Somaliland ayaa si wen usoo dhoweeyey gaadiidkan hawlaha degdeg ah ee xaafadaha ka hawlgali doona, kuwaas oo baahi weyn loo qabanay, isla markaana wakhti ku qaadan jirtay dadka inay ciidanku usoo gurmaddo ilaa saldhigyadda loogu taggo.




Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland