4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2013
WASIIR BIIXI: “Meelo badan oo colaado ah ayaan kasoo shaqeeyay, waana ku faraxsanahay inaan imaado Somaliland oo nabad ah”


Axad, July 21, 2013 (HOL) — Waxa maanta magaaladda Hargeysa si balaadhan loogu soo dhoweeyey wasiirka cusub ee dhowaanta loo magacaabay wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka Cusub Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta barqaddii ka soo degay madaarka Hargeysa, waxaana madaarka buux dhaafiyey boqolaal dadweyne oo ka soo qaybgalay soo dhoweyntiisa, xisbiyada muxaafadka iyo mucaaradka, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo xubno ka tirsan golaha Wasiiradda.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in mudadii uu magacaabistiisa ka dambaysay uu ku mashquulsanaa sidii uu xilalkii uu qaramda midoobay u hayey u wareejin lahaa, waxaanu xusay in markii uu madaxweynuhu ka codsaday inuu xilkaasu u dhiibo ay keentay inuu jagooyin dhawr ah oo uu qaramda midoobay ka hayey gobolka Daahuur uu wareejiyo si uu wadankiisu ugu shaqeeyo.

“Hawl ba la ii igmaday culus oo ah in aan noqdo wasiirka arrimaha dibadda, waxaanan ilaahay ka baryeyaa inuu ilaahay I fududeeyo, hawshaasi waa hawl umadda oo dhan ka dhexeysa oo loo baahan yahay inaynu u sinaanno”ayuu yidhi wasiirka cusub ee Arimaha dibadda Biixi oo ka hadlayey imaanshihiisa Somalilland, waxaanu intaas ku daray “mucaarad iyo muxaafadba waa in loo midoobaa qadiyada Somaliland, ictiraafkeedda, horumarkeeda, dhaqaaleheeddaba,waa in aynu ahaano umad isku duuban oo meel uga soo wadda jeedda qadiyadeedda”

“Waxaynu nahay umadda jirta runtana la iskama indho tiri karo, xuduud baynu leenahay, caalamkaynu la shaqaynaa, wixii dawladi lahaan jirtay ayeynu leenahay, dawlado faro badan oo Afrika ah ayeynu ka magac weynahay oo maalin walba dhib ka dhacayaan, anagu waxaan ka shaqaynayey meelaha nabadda lagu ilaaliyo oo Daahuur baan ka imid oo aan soo dhisay, waxaan ka soo shaqeeyey meelo badan oo colaad ka taagan tahay oo dunidda ah, waxaase ku faraxsanahay in aan I maado Somaliland oo oo nabad ah oo aan u baahnayn in nabad loo dhaliyo oo aan khilaaf ka jirin oo umad degan oo shaqaysanaysa oo sharaf leh ay tahay, iguna soo duceeya hawshaasi adag ee la ii igmaday”ayuu ku soo xidhay hadalkiisii.

Maxamed Biixi ayaa ah khabiir muddo dheer ku soo jiray Qaramada midoobay, isagoo sheegay inuu ka soo shaqeeyey wadamado badan oo khilaafaad ka jira oo nabad loo dhalinayey, waxaanu hadda ahaa ergayga xoghayaha guud uu jooga Daafuur iyo maamulaha mashaariicda Qaramadda midoobay ee Daafuur, waxa kale oo uu wakiil u qaabilsan Daafuur u ahaa midowga Afrika, ( Deputy Joint Special Representative for Operations and Management in the African Union-United Nations Hybrid Operation in Darfur (UNAMID), waxaanu sheegay inuu xoghayha guud ee Qaramadda midoobay iyo gudoomiyaha midowga afrikaba ku wareejiyey xilalkii uu u hayey .

Si kastaba ha ahaatee, maalmihii u dambeeyey ayaa magaaladda Hargeysa laga dareemayey soo dhowaynta wasiirka cusub Maxamed Biixi oo tan iyo markii la magacaabay aan dalka Iman, isla markaana muddo dheer ugu dambaysay.






Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland