4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Ballan-qaaday inay Adkeynayaan Ammaanka Gobolka, kaddib dilkii ka dhacay Baladweyne

Axad, July 21, 2013 (HOL) — Kaddib toogasho xalay kooxo hubeysan ugu geysteen magaalada Baladweyne guddoomiye ku-xigeenkii maxkamadda degmada, Macalin Xassan Cilmi Ciyow ayaa waxaa dilkiisa maanta ka hadlay guddoomiyaha maamulka degmada Cabdi Bishaar Aadan.

Guddoomiyaha ayaa dilkaa ku tilmaamay sida uu hadalka u dhigay mid fulaynimo ah, isaga oo ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen kooxda Al-shabaab, waxaana uu sheegay in uusan waxba u dhimi doonin nabad-galyada magaalada.

“Ammniga magaalada waa la sii adkeynayaa, dilkii xalay waxba uma dhimi doono, ciidamadana mar walba diyaar ayeey u yihiin in ay adkeeyaan nabad-galyada,'' ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baladweyne Cabdi Bishaar Aadan.

Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa wali ka wada xaafaddaha magaalada howlgal ballaaran oo sida ay sheegeen saraakiisha lagu baadi-goobayo kooxihii ka danbeeyay dilka mas'uulka ka tirsanaa maxkamadda, waxaana howlgalkaa lagu soo qab-qabtay tiro dhalinyarro ah oo su'aalo lagu weydiinayo saldhiga booliiska.

Col. Isaaq Cali C/dulle taliyaha qeybta booliiska ayaa u sheegay HOL in ay jiraan dad la tuhusan yahay oo loo soo qab-qabtay dilka, laakiin waxaa uu sheegay in aan laga sii hordhici karin baritaanka socda.

Dilka ayaa sidoo kale waxaa cambaareeyay mas'uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada dhexe oo ka dalbaday maamulka gobolka Hiiraan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu soo dhigo kooxihii ka danbeeyay dilka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya