4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2013
Howlgallo Amni Sugid ah oo laga Sameeyay Kismaayo Kaddib markii ay soo bateen falalka amaan-darrada ah [SAWIRRO]


Axad, July 21, 2013(HOL) :- Ciidamada maamulka Kismaayo ayaa maanta bilaabay howlgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga, waxayna arintani ka danbeeyay kadib falal ammaan darro oo maalmihii u danbeeyay siyaabo kala duwan uga dhacayay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Saraakiisha ciidamada maamulka Kismaayo ayaa sheegay in howlgallada ay ka bilaabeen magaalada ay uga gon leeyihiin sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud ee magaalada Kismaayo  islamarkaana magaalada looga saari lahaa askarta sida sharci darrada ah hubka ugu dhex sita magaalada.

Ciidamadan oo raxan raxan u socda  ayaa lagu arkayay dhamaan wadooyinka waaweyn ee magaalada, iyagoona si gaar ah uga howlgalayay suuqyada waaweyn ee ganacsiga.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqyada magaalada Kismaayo oo warbaahinta la hadlay ayaa ka codsaday masuuliyiinta maamulka in ay sugaan ammaanka, islamarkaana ay sameeyaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya  amniga ganacsatada.

Ganacsatada ayaa cabasho ka muujisay askar hubeysan oo dhac u geysta iyadoona ay ugu danbeeysay dhac shalay bartamaha suuqa weyn ee umbultooriyo loogu geystay ganacsatada suuqa sarifka lacagaha qalaad.

Taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo oo warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhac shalay gudaha magaalada loogu geystay ganacsatada suuqa sarifka wuxuuna sheegay in howlgalladan ay socon doonaan inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Sidoo kale Macalim Max’ed oo kamid ah saraakiisha ciidamada maamulka Kismaayo ayaa si kulul uga hadlay falalka amni darro ee ka dhaca magaalada, wuxuuna digniin culus u diray ciidamada sida sharci darrada ah hubka ugu dhexqaata magaalada.

Mas'uulkan ayaa sheegay in maanta kadib aan la ogolaan doonin askari si sharci darro ah hub ugu dhex sita magaalada, wuxuuna xusay in ciidamada sugaya ammaanka ay amar ku siiyaan in ay hubka ka dhigaan askarigii ay arkaan isagoo sita hub sharci darro ah, cidii isku adkeysana ay toogtaan.







Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya