4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2013
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo shaaciyay in dalkiisu uu gacan ka geysanayo Tababaridda iyo Dhismaha Ciidamada Somalia

Axad, July 21, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Dessalegn ayaa sheegay in dowladdiisu ay gacan ka geysnayso sidii dib loogu soo celin lahaa ammaanka iyo deggenaashaha Soomaaliya, kaddib kulan uu Addis Ababa kula yeeshay wasirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

Kulanka Dessalegn iyo Fiqi ayaa dhacay maalintii Jimcaha ahayd ee lasoo dhaafay, waxaana labada mas’uul ay ka doodeen sidii Itoobiya ay gacan uga geysan lahayd howlaha dib loogu soo celinayo nabadda Soomaaliya.

“Itoobiya waxay sii wadaysaa taageerada ay siinayso dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo ay ugu horreyso sidii dalka loogu soo celin lahaa nabad iyo deggenaasho buuxda,” ayuu yiri Dessalegn oo intaas ku darya inuu soo dhaweynayo horumarka ay sameysay dowladda Soomaaliya muddadii ay jirtay.

Dessalegn wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay ka caawiso Soomaaliya dhinaca tababarka ciidamada iyo xoojintooda si ay awood ugu yeeshaan inay iska difaacaan Al-shabaab oo weli deegaanno ka tirsan Soomaaliya ka talisa.

Saraakiil sarsare oo Itoobiya u hadlay ayaa dhawaan sheegay in ciidamada Itoobiya laga saarayo gudaha Soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen go’aan ay gaareen madaxda dalkaas, balse lasii wadayo taageerada la siiyo Somalia.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Fiqi oo isaguna warbaahinta la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in waxyaabaha ay kawada hadleen isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Kulanka waxaan isku dhaafsannay aragtiyo iyo dano labada dal ay faa’iido ugu jirto, sidoo kale waxaan ka hadalnay sidii la isaga kaashan lahaa cirib-tiridda Al-shabaab iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah ee Soomaaliya ku sugan,” ayuu yiri C/xakiin Fiqi.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay inay kulankooda uga hadleen xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dalka, sida horumarinta beeraha iyo kuwo kale. Isagoo xusay in dalkiisa uu ku faraxsan yahay sida ay Itoobiya uga qaybqaadatay dagaalladii lala galay argagaxisada.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dowladda  itoobiya ay billowday in ay kala baxo ciidamadeeda gobolka Bay oo ay tageen horraantii sannadkii lasoo dhaafay, halkasoo ay kula dagaalameen Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya