4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2013
MADAXWEYNE XASAN: “Sarkaalkii aan Askariga uu xukumo ka celin karin Isbaaro waa inuu shaqada isaga tago”


Axad, July 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo la hadlayay saraakii iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalkii aan awood u lahayd inuu askariga uu xukumo uu ka celiyo isbaarada ay u furan tahay inuu shaqada isaga tago.

Xasan Sheekh oo shalay kula hadlayay Muqdihso saraakiil iyo ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in kalsoonida shacabka lagu heli karo oo keliya in ciidamadu ay la yimaadaan asluub wanaag iyo inaysan dhib u geysan shacabka.

“Sarkaaloow ogoow haddii askarigaaga  uu isbaaro dhigta isbaaro dhigta aan la xukumi doonin isaga keliya, balse maxkamaddu ay labadiina idib xukumi doonto. In askariga keligiis la xukumo waa dhammaatay, haddaadan kari Karin inaad hor-istaagto askariga aad xukunto shaqada isaga tag,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray in sarkaalka uu sharaf iyo karaamo ku heli karo inuu shaqada isaga tago, haddii uusan askariga uu xukumo dambiga ka celin karin, sarkaalkaasna uu noqonayo mid aan dambi lahayn.

“In sarkaalku uu meesha iska joogo, markii askariga uu xukumo uu dhibaato geystana uu yimaahdo anigu waxba kama qaban karo, taas shacabkau waa diideen, dowladdu waa diidday, aniguna igama dhaadhacayso waana diiday,” ayuu yiri ku yiri madaxweynaha oo raaciyay hadalkiisa in sakraalku uu isaga tago shaqada haddii uusan kasoo bixi karin howshiisa, taasna ay ixsaan u tahay shacabka Somaaliyeed iyo dowladda.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay sida kalsoonida shacabka lagu kasban karo, isagoo xusay in arrintaas ay ku imaan karto shacabka oo dhibaatada laga dhowro.

“Sida aan ku heli karno raalli ahaanshaha shacabka iyo kalsoonidiisa waa in ciidamadu ay asluub yeeshaan. Askariga iyadoo aanu sarkaalkiisa la joogin waa inuu is-xakameyn karo, waana inuu awood u leeyahay inuu waxyaabaha xun ka joogi karo, kana celin karo askariga la midka ah,” ayuu madaxweyne Xasan hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan waxba u qaban karin, karaamadoodana aysan soo celin haddii aan la dhowrin iyaga, isagoo sheegay in shacabka oo la dhowro ay ku imaan karto dowladnimada Soomaaliya.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo weli degmooyin ka tisran Muqdisho ay yaallaan isbaarooyin, inkastoo madaxweyne Xasan uu horay u soo saaray amar lagu qaaday inta badan isbaarooyinkii yaallay gudaha Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya