4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
RA’IISUL WAASARE SAACID: "Hiigsashadeenna cusub iyo Qorshe cad baan u Gud-binaynaa Beesha Caalamka" (SAWIRRO)


Arbaco, July 17, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta la kulmay guddi hawleedka qorshaha New Deal ama hiigsashada cusub ee Soomaaliya, gudigan oo loo yaqaan "High Level Task Force".

Guddigan ayaa waxaa loo sameeyay sidii ay ugala tashan lahaayeen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxyaabaha ay u baahan yihiin in loo qabto, waxaana goobaha ay tegi doonaan ka mid ah gobolllada dalka qaarkood iyo maamullada Puntland iyo Somaliland, sida ay sheegeen madaxda dowladda Soomaaliya.

"Duruufta maanta dalka ka jirta waa mid loo baahan yahay in wax badan laga bedelo, horumar weynna laga sameeyo. Qorshan hiisashada cusubna muhiimad gooni ah buu u leeyahay horumarka aan doonayno," ayuu yiri ra'iisul wasaaruhu, isago isla mar ahaantaana si weyn ugu mahad-celiyay guddiga hawsha waday. "Hambalyo ayaan idin leeyahay, waana idin garab taaganahay."

Sidoo kale, mudane Saacid ayaa sheegay in dowladdu leedahay qorshe dib-u dhis iyo horumarineed oo ay doonayso inay dalka ka hirgaliso. Isagoo intaa ku daray in dowladdu shirka Brussels hordhigi doonto baahida guud ee dalka iyo siday u kala mudan tahay.

"Waa muhiim inaan baahideenna iyo siday u kala mudan tahay u gudbinno bulshada caalamka iyo saaxiibadeena doonaya inay dib-u dhiska dalka naga caawiyaan," ayuu Saacid hadalkiisa ku daray. Wuxuuna sheegay inay laga maarmaan tahay in il gaar ah lagu fiiriyo baahiyaha ay qabaan deegaanada kala duwan ee dalka.

Kulankan dhexmaray ra’iisul wasaaraha Somalia iyo guddiga hawlwadeenada qorsha hiigsiga cusub ama New Deal ayaa yimid kaddib markii looga furay Muqdisho kulankii wada-tashiga qiimaynta baahida Somalia; kaasoo shalay ka dhacay xarunta gobolka Banadir.

Waxaa lagu wadaa in kulamo wada-tashi oo la mid ahi ay kan ka dhacaya Muqdisho ay ka dhacaan magaalooyinka Baydhabo iyo Garoowe inta aan la gaarin 16-ka Sebteembar sannadkan, markaasoo uu furayo shirka Brussels.

Hadafka guud ee kulamadan laga leeyahay ayaa lagu sheegay in si wadajir ah loo qeexo nugaylka iyo baahida ay qabaan dadka Soomaaliyeed ee dalka oo dhan ku nool, iyadoo lagu hamiyayo sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa horumar dhaxal-gal ah.




Maxamed xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya