4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
Kulan lagu daah-furay Shirkad ka shaqeyn doonto Horumarka xaafadda Islii oo lagu qabtay Magaaalaada Nairobi (SAWIRRO)
Tifow-17-Picture-1589-3.jpg
Arbaco, July 17, 2013 (HOL) - Xaafadda ay daganyihiin inta badan Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa waxay kamid tahay goobaha ugu nadaafada xun ee caasimada dalka Kenya.

Shirkada Kah Investment oo ay leeyihiin ganacsato Soomalaiyeed kana duulaysa soo celinta bilicda xaafadda Islii ayaa go,aansatay in ay ka shaqeyso sidii xaafadda looga nadiifin lahaa qashinka,loona dayactiri lahaa goobaha boosaneerada oo qeyb weyn ka ah dhibaatada nadaafadeed ee xaafadda.

Kulan ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen laamaha ammaanka, hormarinta, bilicda magaalada Nairobi iyo mas’uuliyiinta shirkada Kah Investment oo ay wehliyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kamakunji ayaa ka dhacay hotelka Nomad ee xaafadda Islii.

Gudoomiyaha shirkadda dhismaha guud ee Kah Maxamed Maxmuud ayaa ka codsaday Soomaalida Islii in ay kala shaqeeyaan ka shirkad ahaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen hamigooda ah in ay Islii ka dhigaan mid ka mid ah xaafadaha ugu quruxda badan Niarobi.

“Shirkadda Kah Investment waxaa abaabulay dad Soomaaliyeed oo ka damqaday dhibaatada deegaaneed ee dadkooda,sidaas darted waxaan rumeysanahay in aan ku guuleysan doono ujeedkeena anagoo kaashaneyna dadkeena”waxaa yiri gudoomiyha Kah Investment.

Tifow-17-Picture-1589-2.jpg

Xiriiriyaha Shirkada dhismaha guud ee Kah Daa’uud Shiikh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda ayaa u mahadceliyay dhamaan kasoo qeyb galayaasha gaar ahaan laamaha ammaanka iyo hormarinta dowlada ee Nairobi.

Xiriiriye Daa,uud  ayaa sheegay in shirkadooda dhismaha guud iyo nadaafadda ee Kah ay tahay mid u taagan soocelinta bilicda iyo quruxda xaafada Islii oo muddo badan la illoobay.

“Anaga waxaanu nahay dad Soomaali ah waxaan ka shaqeyneynaa in xaafadeenna Islii ay noqoto mid la mid ah xaafadha kale ee Nairobi,waxaan hagaajin doonaa wadooyinka,bulaacadaha,waxaan sidookale qaadi doonaa qashinka, waxaa xusid mudan in ciidamo gaar ah shirkadda Kah ay u diyaarisay ilaalinta wadooyinka si aanan qashin loosoo dhigin” ayuu yiri Daa,uud.

Shirkadan Kah Investment ayaa ugu digtay dadka caadeystay in wadooyinka xaafadda Islii ay soo dhigaan qashinka iyadoona sheegtay in arrimahaasi ay qeyb weyn ka yihiin amaan darrada laga sheego Islii.

Kah Investment  waa shirkaddii ugu horeysay oo Soomaali ay leedhay oo u istaagta nadiifinta iyo qurxinta muuqaalka guud ee Islii oo haatan ay ka socoto dib u dhis ballaaran oo lagu wado wadooyinka oo horay u jajabsanaa.

Tifow-17-Picture-1589-5.jpg
Tifow-17-Picture-1589-4.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya