4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay xaruun cusub ee hay'adda nabadsugidda Soomaaliya

Xafiiska Madaxweynaha
Sunday, January 06, 2013

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa ka qeyb galay munaasabadda sanad guradii 41-aad ee hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo dib u furidda xarunta hay’adaas.

Waxaa munasabadda ka soo qeyb galay Xidhibaano, Wasiiro, Safiiro, Saraakil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo AMISOM. Munaasabadaan oo heer sare looga soo shaqeeyay ayaa waxaa lagu soo bandhigay riwaayado la xariiro wax qabadka hay’ada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka oo aad ugu faraxsan furitaanka xaruntan cusub ayaa halkaas ka jeediyay qudbad aad u taabatay dhamaan martida kasoo qeyb gashay munasabadda. Marka hore Madaxweynha ayaa amaanay wax qabadka hay’ada wuxuuna u sheegey” Anaga hadaan nahay dowladda aad ayaan ugu farxsanahay hay’adaan, waxeyna kasbatay in shacabkeena Soomaaliyeed ay si gaar ah u xushmeeyaan, taasna waxaa sabab u ah dishiblinka iyo in ay hay’adan noqoto mid hormuud ka ah hay’adaha amniga.”



Mar uu Madaxweyne Xassan uu fariin u dirayay dagaalyahanada ajaanibta ee Al-Shabaab ayuu wuxuu yiri” Waxaan rabaa inaan idin ogeysiiyo Soomaaliya Soomaali baa leh, waxaadna u baahan tihiin in aad dalalkiina ku noqotaan. Haa Muslim waa nahay, laakin Soomaaliya waxaa leh muslimiinta Soomalida ah.” Madaxweynaha ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed uga digay in ay shaqsiyaad dalakooda baxsad ka aysan maskaxda ka dhaqin oo ay marin habaabin.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dalalka Soomaliya taagero una sheegay in Soomaaliya aysan weligeed iloobi doonin dalalka hadda garab taagan.

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib-u dhiska Soomaaliya” Amniga ayaa kow u ah qorshayaasha dowladda waana ka go’an tahay in Soomaaliya dib nabada loogu soo celiyo. Dowladda waxey rabtaa Soomaaliya oo nabad ku wada nool oo deriska iyo caalmakana nabad kula nool. Amniga ayaa wuxuu kow ka yahay lixda Tiir Siyaasadeed ee dowladda.

Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada
Villa Somalia, Mogadishu
[email protected]