4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2013
Xiriirka K/Kolayga Soomaaliya oo qalab Isboorti la Guddoosiiyay


Axad, January 06, 2013(HOL): Garoonka Kubadda Koleyga 1da Luulyo  {Ex-Luugino} ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacday kulan guddoonsiinta qalab kala duwan oo  Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed uu soo gaarsiiyay Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada jiilka cusub ee Isboortiga iyo dhaqanka [NGSC] C/Qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo).

 

Ugu horreyn waxaa dadaalkiisa ku aadan ururintii qalabkan Isboortiga iyo sida ay ugu suragashay inuu dalka soo gaarsiiyo ka warbixiyay C/qani Jeenyo oo sheegay inay ku dhalatay markuu arkay in XSKK iyo ciyaartoyda u baahan yahiin taageero dhinaca qalabka Isboorti.

 

“Ma aha markii igu horeysay ee aan dalka keeno qalab Isboorti, waxaan goob joog u ahaa tababarro kala duwan oo ay ciyaartoyda qaadanayaan waxaa inuu soo baxay inay u baahan yahiin gacan gashi dhididka ay isaga celiyaan iyo kubaddo tayo leh – dhanka Xiriirka waxaan garanay inay u baahan yahiin Koobab qurux badan oo aan ugu talo galnay Tartanka ugu soo horeeya loogu talagalay , Intaas maanta wixii awooddeena ah waan keenay waana  rajeynaynaa inaan intan iyo in ka badan ku caawino XSKK iyo ciyaartoyda Kubadda Koleyga” ayuu yiri Guddoomiyaha [NGSC] C/qani Jeenyo.

 


Dhinaca kale Guddoomiyaha XSKK  Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) ayaa uga mahadceliyay C/qani Jeenyo oo uu sheegay inuu yahay shaqsi mar walba aad u dhiirigeliya Isboortiga gaar ahaan Kubadda Koleyga.

 

“Ma`aha markii ugu horeysa oo uu C/qani Jeenyo qalab soo gaarsiiyo Xiriirka Kubadda Koleyga, markuu dalka soo gaaraba wuxuu caawimaad soo gaarsiiyaa XSKK iyo Ciyaartoydiisa. Waan uga mahadcelinaynaa xilkasnimadiisa iyo dadaalkiisa horumarinta Isboortiga, waxaan rajeynayaa in bahda qurba-joogta Isboorti ku dayan doonaan” ayuu yiri Guddoomiye Roombo oo intaas ka dib isla garoonka ugu qeybiyay Kubaddo iyo qalab kale Kooxaha u diiwaan gashan Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaliyeed.

 

Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada jiilka cusub ee Isboortiga iyo dhaqanka [NGSC] C/Qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo) ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee K/Koleyga, waxaana lagu tilmaamaa shaqsi Isboortiga jecel isla markaana aad u dhiirigeliya dhallinyarada, waxaana xusid mudan 1/2/2011 in Ra`isul wasaarihii hore ee Xukuumaddii Tayo  (Maxamed C/laahi Maxamed `Farmaajo`) u idmaday  xilka la taliyaha arimaha dhallinyarada iyo Isboortiga dalka.


 

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya