4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2013
Ganacsade lagu dhaawacay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool
Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku dhaawacay ganacsade Axmed Cabdi Timir oo ka mid ah raga ugu horreeya ganacsiga gobolka Sool xilli uu marayay bartamaha magaalada, iyagoo dhowr xabbadood kaga dhuftay madaxa iyo laabta.

Goobjooge ku sugnaa halka ay toogashadu ka dhacday ayaa sheegay in laba nin oo hubeysan ay toogteen ganacsadaha, isagoo sheegay inay goobta ka baxsadeen, iyadoo ganacsadaha markiiba loola cararay isbitaalka.

"Xaaladad ganacsadaha waa wanaagsan tahay, xabbadihii madaxa kaga dhacayna uma gudbin madaxa, waxaana socda baaritaanno lagu sameynayo rasaastii kaga dhacday laabta," ayay tiri Roodo Nuur Gadhle oo ka mid ah kaaliyeyaasha isbitaalka Laascaanood.

Ciidamada booliska Laascaanood ayaa sheegay inay ku daba-jiraan kooxihii falkaas geystey iyadoo askariga ka mid ah ciidamada booliiska uu sheegay in la garanayo haybta ragga dilka geystay. Xiisada ka dhalatay arrintan ayaa ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Weerarkan lagu dhaawacay gancsadaha ayaa u muuqday weerar qorsheysan, maadamaa xalay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen gurigiisa lagu dhaawacay gabar uu qabay ganacsadaha walaalkiis.

Arrintan ayaan illaa hadda la saadaalin karin halka ay salka ku hayso; balse warar is-barbar socda ayaa sheegaya inay la xiriirto aanooyin beeleed, iyadoo gabadha la dhaawacay dhawaan loo xiray fal argagaxiso.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool