4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2013
Siyaasi C/llaahi Cali (Ciddi-Libaax): "Waxan ahay murashax Madaxweynaha Puntland, Doorashaduna waxay dhacaysaa 8-da bishan"

Sabti, Jannaayo 05, 2013 (HOL) — Siyaasi Cabdilaahi Cali Barre (Ciddi Libaax) oo ah aqoonyahan si weyn looga yaqaan bariga Africa iyo Khaliijka, ayaa shaaca ka qaaday in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxtinimada ee Puntland.

Shir jaraa'id oo uu qabtay ayuu ka sheegay, in kadib markii uu arkay; xaaladda uu xiligan dalku ku jiro iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la helo, hoggaan leh aqoon iyo waaya aragnimo dhaxal gal ah, si dadka iyo dalka Puntland horumar loogu horseedo, uu garowsaday in uu isa soo sharaxo.

Wuxuuna intaas raaciyey in ay ka go'an tahay in uu Puntland ku hago dhabaha horumarka iyo barwaaqada, isagoo xusay in waxyaabaha uu diiradda saari doono ay ugu muhiimsan yihiin: kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha ganacsiga, xoojinta midnimada dadka Puntland iyo ammaanka.
kor u qaadista tayada waxbarashada iyo caafimaadka, dhaqan celinta iyo xirfad u abuurista da'yarta.
ilaalinta xuquuqul insaanka iyo xoriyatul qowlka, iyo dib u dejinta dadka soo barakacay.

Siyaasi Cabdilaahi Cali Barre (Ciddi Libaax) ayaa dhinaca kale ka hadlay sida ay xiligan tahay xaaladda Puntland, wuxuuna tilmaamay in ay ka jiraan tacaddiyo iyo dhibaatooyin kale oo ay maamul xumada xukuumadda hadda jirtaa sabab u tahay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mar wax laga weydiiyey hirgelinta nidaamka axsaabta iyo wakhtiga doorashada, wuxuu  sheegay in nidaamka axsaabtu uu yahay mid aan hadda suurtagal ahayn, islamarkaana waqtiga doorashada la gelayaa uu yahay 8-da bishan January, oo ay maalmo koobani ka harsan yihiin.

"Hanaanka axsaabtu ma ahan mid xiligan ka hana qaadi kara Puntland, sababtoo ah waxaa ka horeeya arimo badan oo ay kamid yihiin: in tirakoob dadweyne la sameeyo, la diiwaan geliyo muwaadiniinta codeynta xaqa u leh, lana kala xadeeyo deegaanada ay doorashooyinku ka dhacayaan, sidaas awgeed waxaa lagama maarmaan ah in doorashada loo galo  qaabkii hore ee ay golaha wakiilladu madaxweynaha dooran jireen.." Musharrax Cabdilaahi Cali ayaa yiri.

Siyaasi Cabdilaahi Cali Barre (Ciddi Libaax) oo xiriir dhow la leh xafiiska sare ee dalka looga taliyo, wuxuu noqonayaa siyaasigii 6-aad ee ilaa iyo hadda si rasmi ah ugu dhawaaqa in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya