4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2013
Madaxweynaha Galmudug oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynihii hore ee Puntland

Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa maanta Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kula kulmay madaxweynihii hore ee Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi iyo mas’uuilyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland, isagoo kala hadlay iskaashi dhexmara labada maamul iyo adkeynta amniga gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo falal ammaan-darro ay ka dhacaan.

Jen. Qaybdiid ayaa waxaa kulanka kala qaybgalay wasiirkiisa iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah, Maxamed Cali Nuur, taliyaha Booliiska Galmudug, Col. Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb) , waxaana kulanka intiisa badan ay labada dhinac uga hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen xoojin ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Kulankan ayaa wuxuu qayb ka yahay kulamo ay ku doonayaan maamullada Galmudug iyo Puntland inay ku xoojiyaan xiriirkooda wadashaqeyn, sidoo kalena ay ka hortagaan aanooyinka beeleed oo mararka qaarkood ka dhaca deegaannada ay maamulladan ka taliyaan.

Mas’uuliyiin u hadlay maamulka Galmudug ayaa sheegay in qodobadii looga hadlay kulankii maanta la isku af-gartay, ayna labadan dhinac ka go’an tahay sidii ay xasillooni waarta ugu soo rogi lahaayeen degmada Gaalkacyo.

Booqashada uu Jen. Qaybdiid ku tagay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa imaanaya xilli waxgaradka iyo salaadiinta Puntland iyo Galmudug ay ku baaqeen inay labada maamul ka shaqeeyaan sidii loo sii dayn lahaa dad rayid ah oo lagu kala haysto degmooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa dhowr jeer oo hore isku eedeeyay falal ammaan-darro oo ka dhacay Gaalkacyo iyadoo aan la ogeyn waxay ka bedeli doonto xiriirka labada dhinac kulanka iyo booqashada uu Jen. Qaybdiid ku tagay Waqooyiga Gaalkacyo oo ay ka taliso Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya