4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2013
U gargaar Zakeriye iyo Cabdiweli oo ah laba wiil oo ku xanuunsan Muqdisho dalkana wax looga qaban waayay

Zakariye Yacquub Cabdi

Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Cudurrada haya labadan wiil oo u baahan inay helaan daweyn dibadda ah ayaa keenay inay noloshoodu ay adkaato, iyadoo waalidiintooda oo kasoo jeeda qoysas sabool ah ay awoodi waayeen inay Caruurtoodan u helaan adeeg caafimaad oo dibadda ah.

Labadan wiil oo xanuunku uu muddo hayay ayaa kala ah: Cabdiweli Xuseen Suldaan Cabdi oo saddex jir ah iyo Zakariye Yacquub Cabdi oo isaguna saddex jir ah, labadan wiil ayaa waxay muddo sannado ah la xanuun-sanayeen cudurrada Pralass iyo xanuunka Neerfayaasha ku dhaca.  

Suldaan Cabdi Nirgoole oo ah awoowaha labadan wiil ee xanuunsan ayaa sheegay in xanuunka wiilashan haya uu yahay mid ay ku dhasheen , isla markaana gudaha dalka wax looga qaban waayay, isagoo sheegay in dhakhaatiirta dalka ku sugan ay ku wargeliyeen in inay u baahan yihiin dhakhaatiir caalami ah oo qaliinno ku sameeya   jirkooda, kuwaasoo uu sheegay inay ku sugan yihiin Nairobi iyo Adis Ababa. Isagoo tilmaamay inaysan awoodin inay u helaan dhakhaastiir la tacaalama cudurrada wiilashan.


Cabdiweli Xuseen Suldaan Cabdi

"Si labadan wiil wax loogu qabto waxaa ka codsanayaa ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba inay gacan ka geystaan sidii walaalahooda dhibaateysan loo daweyn lahaa. Ogow waxii aad saddaqo ula baxdid inay kaaga horreeyso aakhiro," ayuu yiri awoowaha labadan wiil ee xanuunsan.

FG: haddaba haddii aad doonaysid inaad ka qayb-qaadatid gargaarka loo fidiniyo labadan wiil ee xanuunsan la xiriir: Yaquub Cabdi Isaaq adigoo kala xiriiriyaha: Tel: 00252-61-5559443 ama 00252-699-737741.
Sidoo kale, waxaad la xiriiri kartaa Sudaan Cabdi Maxamed Nirgoole oo laga helo taleefoon lambar: 00252-61-5015660.

WARQADAHA CADDEYNTA ZAKARIYE

1- Caddeyn Isbitaal Banadir                              
Riix halkan

2- Caddeyn Wasaaradda Caafimaad                 Riix halkan


FIIRO GAAR AH: Warqadaha Caddeynta ee Wiilka kale ee C/weli  nama aysan soo gaarin.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya