4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2013
Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo sheegay in Askarigii shacabka dhibaato u geysta ciqaab adag la marin doono

Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliay, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in ciqaab adag la marsiin doono askarigii dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed loomana naxariisan doono, isagoo xusay in ciidamada ay ku dhex-jiraan ciidammo doonaya inay sumcadda ciidanka xumeeyaan.

Mudane Fiqi oo la hadlayay idaacadda ku hadasha afka dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu ay go’aan adag horay uga soo saartay askarta dhibaateynaya shacabka, wuxuu xusay inay socdaan baaritaanno lagu sameynayo askarta shacabka dhibaatooyinka ku haya.

“Way jiraan ciidammo dhibaateeya shacabka oo ka mid ah ciidamada oo la qabtay, kuwaasoo qaarkood la xukumay qaarka kalena ay xukun sugayaal yihiin,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in ciidamada intooda badan ay yihiin kuwo wadaniyihiin aan dhibaateyn shacabkooda.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in wasaaradda gaashaandhigga ay u qorsheysan tahay inay tayeyso ciidamada dowladda afarta sano ee soo socotana isagoo sheegay inay ciidamadii hore ugu baaqeen inay ciidanka kusoo biiraan.

“Afarta sano ee soo socota waxaan doonaynaa inaan tayeyno ciidamada dowladda oo aan soo saarno ciidan Qaran oo cadowga ka difaaca dalka gudihiisa iyo dibaddiisa,” ayuu yiri wasiirka oo xusay in dal aan ciidan lahayn uusan ahayn dal jira.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilkan wuxuu socdaallo ku tagayay dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM iyo kuwo kale, isagoo ka dalbaday in Soomaaliya laga caawiyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida.

Hadalka wasiirka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu maalin ka hor booqasho laba casho qaadatay ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha Itoobiya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmadaas, isagoo kula heshiiyay inay tababaraan ciidamada dowladda ee ku sugan gobollada Bay iyo Bakool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya