3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2013
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo ka warbixiyay Heshiis dhex-maray Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan

Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyay heshiisyo dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan, kaddib booqasho laba maamood ah oo uu dalkaas ku tagay.

Xasan Sheekh iyo wafdigiis ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho gellinkii dambe ee shalay oo Khamiis ahayd, wuxuuna madaxweynuhu sheegay inay Suudaan ka caawinayso Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin tababarka ciidamada booliiska Soomaaliya iyo dhimasha hay’adaha dowladda.

“Heshiisyada aan lasoo galnay Suudaan waxaa ka mid ah inaan yeelanno iskaashi laba geesood ah oo labada dal ka dhexeeya, in la sameeyo guddiyo farsamo, in nagala caawiyo biyaha iyo waraabka, iyo dhismaha hay’adaha dowladda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo intaas ku daray:

“Sidoo kale heshiisyada waxaa ka mid ah dib u dhiska Bankiga iyo hay’adaha xisaabaadka. Si wanaagsan ayaana isugu af-garanay dhammaan qodobbadii aan kawada hadalnay.” Isagoo intaas ku daray in Suudaan ay tababari doonto ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan Booliiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay dalka imaan doonaan guddi farsamo oo ka socda dalka Sudan, kuwaasoo ay wada shaqeyn doonaan guddii Soomaali ah, isagoo xusay in wadahadalladaas kaddib la saxiixi doono heshiis laba geesood ah.

Dalka Suudaan ayaa wuxuu ka mid yahay dalalkii garab-taagnaa Soomaaliya tan iyo markii ay jabhado hubeysan xukunka ka tuureen dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxaana dalkaas wax ka bartay arday fara badan oo Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/4/2013 12:24 PM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Wasiirradda wasaaradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed ayaa ka dalbatay dowladda Turkiga inay Soomaaliya ka hirgeliiyaan jaamacado ay wax ku bartaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo isbitaallo lagu daweeyo bukaannada Soomaaliyeed.

1/4/2013 11:51 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay saddex badmaaxe oo tan iyo dhammaadkii sannadkii 2010 afduub loogu haystay gudaha Soomaaliya, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu sheegay inaysan jirin wax madaxfurasho ah oo lagu soo daayay la-haystayaashan.

1/4/2013 11:50 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa maanta Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kula kulmay madaxweynihii hore ee Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi iyo mas’uuilyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland, isagoo kala hadlay iskaashi dhexmara labada maamul iyo adkeynta amniga gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo falal ammaan-darro ay ka dhacaan.

1/4/2013 9:23 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Cudurada haya labadan wiil oo u baahan inay helaan daweyn dibadda ah ayaa keenay inay noloshoodu ay adkaato, iyadoo waalidiintooda oo kasoo jeeda qoysas sabool ah ay awoodi waayeen inay Caruurtoodan u helaan adeeg caafimaad oo dibadda ah.

1/4/2013 8:09 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliay, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in ciqaab adag la marsiin doono askarigii dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ciidamada ay ku dhex-jiraan ciidammo doonaya inay sumcadda ciidanka xumeeyaan.

1/4/2013 7:49 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Guddiga ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa dacwado ka dhan ah ciidamada ammaanka ee Kenya u gudbiyay xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Kenya kaddib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi.

1/4/2013 1:09 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee saldhiggoodu yahay buuraha Gollis ayaa xalay weerarro ku qaaday koontaroollo ku yaalla duleedka Koonfureed ee degmada Boosaaso, kuwaasoo dhaliyay khasaare kooban.