4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2013
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo weeraray Koontaroollo Boosaaso ku dhow iyo Xiisado ka taagan Puntland

Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee saldhiggoodu yahay buuraha Gollis ayaa xalay weerarro ku qaaday koontaroollo ku yaalla duleedka Koonfureed ee degmada Boosaaso, kuwaasoo dhaliyay khasaare kooban.

Wararka laga helayo degmada Boosaaso ayaa sheegaya in dagaalladu ay dhaceen xalay 10:30 fiidnimo ayna socdeen muddo kooban, waxaana lagu dilay mid ka mid ah xoogaggii Al-shabaab iyadoo aysan ciidamada Puntland uu kaga dhintay hal askari, halka xoogaggii Al-shabaabna looga dilay saddex dagaalyahan shan kalena looga dhaawacay.

“Koontaroolka Laag oo 30-km u jira degmda iyo koontaroolka degmada laynga soo galo oo isaguna 10-km u jira magaalada ayay weerarradu ka dhaceen, waxayna ahaayeen kuwo muddo kooban socday,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Boosaaso oo la hadlay HOL.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in la iska difaacay xoogaggii weerarka soo qaaday ayna ka dileen saddex ka mid ah xoogaggooda ayna ka dhaawaceen shan kale, iyadoo Al-shabaabna aysan weli ka hadlin dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Boosaaso, waxaana uu kusoo beegmayaa weerarkan xilli uu wasiirka ammaanka Puntland sheegay inay qaadayaan weerarro ka dhan ah Al-shabaab.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo oo ka dhaca gobolka Bari oo ay ku soo qaaddo Al-shabaabta Gollis, iyadoo weerarkii hore uu bishii lasoo dhaafay ee December ka dhacay deegaan lagu magacaabo Sugurre oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa Puntland waxaana halkaas lagu dilay 11 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland iyo toddoba ka mid ah xoogagga Al-shabaab, iyadoo weerarradan ay imaanayaan xilli uu magaaladaas ku sugan yahay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.

Dhanka kale, xiisado ka dhashay doorashooyinka ayaa ka taagan deegaannada Puntland ay ka taliso, iyadoo mucaaradku ay si aad ah uga soo horjeestaan muddada halka sano ah ee uu madaxweyne Faroole ku kororsaday muddada uu xilku hayo.

Siyaasiyiinta ku sugan Puntland oo magacyadooda sababo dhinaca ammaanka ah u qariyay ayaa sheegay in xiisadaha hadda taagan ay sababi karaan iska-horimaadyo ka dhaca Puntland, inkastoo madaxweyne Faroole uu dadaal ugu jiro inaysan dhibaatooyin dhicin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya