4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Horkacyo oo gaaray Marka


Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) —Wafdi uu horkacayo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goordhow gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.

Wafdiga ra’isul wasaaraha ayaa waxa kamid ahaa wasiirka gaashaandhigga Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi, wasiirka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta mudane Max’uud Xasan Suleymaan, taliyaha ciidamada xoogga dalka S/gaas Xasan C/qaadir Sheekh Cali Diini, Agaasimaha hay’adda nabadsugidda qaranka Eng: Axmed Macalim Fiqi, taliyaha ciidamada booliska Shariif Sheekhunaa Maye, saraakiil ciidan, iyo xubno kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sidoo kale sii mareen deegaanka Shalaanbood iyo deegaano kale oo dhowr ah oo katirsan gobolka shabeelaha hoose.

Wafdigii uu horkacayay ra’isul wasaaraha ayaa markii ay gaareen magaalada Marka waxaa si diiran usoo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Marka, odoyaal, waxgarad iyo dhalinyaro.


Ra’isul wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda maamulka degmadaasi iyo qebaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha Hoose.

Safarka ra'isul wasaaraha oo ahaa mid aan hore loo shaacin ayaan ilaa imika la garaneyn ujeedadiisa, mana jiraan masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay, haseyeeshee ra’isul wasaaraha ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday dadaallo lagu xaqiijinayo ammaanka goobaha ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

Safarka uu ra’isul wasaaraha Soomaaliya ku tagay magaalada Marka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago degmadaasi tan iyo intii loo magacaabay xilka ra’isul wasaarenimo ee dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya