4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Madaxda Midowga Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso
Arbaco, January 30, 2013(HOL): Sidii aad la socoteen waxaa maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa magaalada Brussels ee dalka Belgium madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo, kaasi oo martiqaad ka helay Madaxda sare ee Midowga Yurub.
 

Madaxweynaha ayaa waxaa uu xarunta Midowga Yurub kula kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mr.Herman Van Rompuy, kaasi oo madaxweynaha si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta Midowga Yurub. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo bogga cusub ee Soomaaliya u furmay kaddib dhowr iyo labaatan sano oo dhibaato iyo dowlado ku meel-gaar ah ahaa.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaa uu sidoo kale xarunta Midowga Yurub kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso, kaasi oo ay kulankooda iskula soo qaadeen arrimo ay ka mid ahaayeen  xiriirka labada dhinac, xaaladda Soomaaliya, mustaqbalka Soomaaliya iyo wada shaqeyn dhexmarta labada dhinac.

 

Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya uu u furmay bog cusub oo ay dadka Soomaaliyeed aayahooda uga tashanayaan, wuxuuna caddeeyay in intii uu socday kulankii ay madaxweynaha Soomaaliya yeesheen ay isla garteen muhiimadda joogteynta dowlad laga wada qeybgalay oo ku shaqeysa la-xisaabtan iyo cadcaddaan, sidoo kalena la xushmeeyo xuquuqda aadanaha iyo xorriyatul-qowlka. Jose Manuel Barroso waxaa uu hadalkiisa ku sii daray in ay Madaxweynaha Soomaaliya ka wada hadleen sida uu Midowga Yurub ku caawin karo si loogu guuleysto arrimahaas.

 

Midowga Yurub ayaa wuxuu yahay deeq-bixiyaha ugu weyn ee kaalmeeya Soomaaliya, wuxuuna Soomaaliya ku bixiyay nus Bilyan Doollar tan iyo sanadkii 2008. Sidoo kalena Midowga Yurub wuxuu sanadkan kaliya bixiyay lacag dhan 60 Milyan oo EURO, taasi oo uu ku bixiyay dhinaca kaalmada bani’aadannimo.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mr.Herman Van Rompuy

Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso wuxuu ku carrabka ku adkeeyay in uu si weyn ugu faraxsanaa in uu la kulmo, isla markaana uu dhegeysto hadalka madaxweynaha Soomaaliya iyo doonistiisa ku aaddan soo celinta dowladnimadii Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxweynaha  uu u muujiyay in ay ka go’an tahay in ay dalka Soomaaliya horay u sii wadaan, isla markaana ay ka saaraan marxaladdii dowlad la’aaneed ee uu soo maray dalka Soomaaliya.

 

Wuxuu hadalkiisa ku sii daray Jose Manuel Barroso in dadka Soomaaliyeed ay u qalmaan xasillooni, nabad iyo dowlad ka shaqeysa oo soo celisa adeegyadii bulshada, taasi oo ay la mid ah tan heystaan dadka ku nool dalalka caalamka.

 

Ugu dambeyntiina Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso waxaa uu soo caddeeyay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya si loogu guuleysto mustaqbal siyaasadeed oo deggan.

 

Casuumadda uu Midowga Yurub u fidiyay Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa waxaa ka horreysay casuumaad ay dowladda mareykanka u fidisay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana aqalka cad ee mareykanka ku kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama. Kulanka labada madaxweyne kaddibna dowladda mareykanka waxay ku dhawaaqday in ay aqoonsi buuxa siineyso Dowladda Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socdaalkiisa Belgium kaddib waxaa uu booqan doonaa dalka Britain oo uu madaxdiisa sidoo kale ka helay casuumaad. Inta uu London ku sugan yahay madaxweyaha waxaa uu la hadli doonaa Soomaalida ku nool UK. Safarka Britain kaddibna waxaa uu madaxweynaha u amba bixi doonaa magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasi oo uu kaga qeybgeli doono shir ay halkaas ku leeyihiin dalalka Islaamka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]