4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
Booliiska Soomaaliya oo sheegay inay Laba-jibaarayaan Howlaha Ammaanka lagu sugayay ee ay kawadeen Muqdisho

Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) —Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay laba jibaarayaan howlihii lagu xaqiijinayay ammaanka ee ay ka wadeen Muqdisho, xilli maalinimadii shalay uu qarax xooggan ka dhacay nawaaxiga xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Taliyaha Hay’adda danbi baarista ee CID-da, ahna afhayeenka ciidamada Booliska Gen. C/laahi Xasan Bariise oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in boolisku uusan ku niyad jabi doonin qaraxii shalay ka dhacay xarunta Madaxtooyada, wuxuuna xusay in ay sii laba jibaarayaan howlahooda.

Gen. Bariise ayaa sheegay in dhacdadii shalay ay tahay mid ay ka barteen cashar, wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay ka foojignaan doono fal caynkaa oo kale ah.

“Shacabka qal-qal gelin meeyso, inagana qal-qal na gelin meeyso, waxay keliya nagu siyaadineeysaa in aan foojignaano,” ayuu masuulkani hadalkiisa raaciyay.

Hadalkan kasoo masuulkani ayaa kusoo beegmaya xilli shalay qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay nawaaxiga guriga ra’isul wasaaraha Soomaaliya, iyadoona uu qaraxaasi sababay dhimashada laba qof oo u ku jiro ruuxii is qarxiyay iyo dhaawaca sedex kale, iyadoona masuuliyadda qaraxaasi ay sheegteen xoogagga Al-shabaab oo iyagu siweyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya