4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
Wafdi ka kooban wasiirro oo la filayo in ay dhawaan booqdaan qeybo katirsan gobolka Galgaduud

Arbaco, Jannaayo, 30 2013 (HOL) -- Wafdi heer wasiirro ah oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in uu dhawaan booqdo qeybo katirsan gobolka galgaduud xilli  maalmihii ugu danbeeyay wafdi xildhibaanno ka kooban ay booqasho ku bixinayeen degmooyin iyo deegaano kala duwan oo katirsan gobolkaasi.

Xildhibaan Mahad Max’ed Salaad oo ka mid ah xildhibaannada booqanaya gobolka Galguduud ayaa sheegay in dhawaan gobollka ay booqan doonaan wafdi heer wasiirro ah oo ka socda xukuumada Soomaaliya.

Socdaalkan ay wafdiga ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay ku marayaan gobollka Galguduud ayaa u muuqda mid siyaasadeed oo isku xiraya gobollka iyo dowladda federaalka Soomaaliya sida ay ka dhawaajiyeen xildhibaannada booqanaya gobollka.

Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo inta badan ka taliya gobollka ayaa hadda u muuqda  in dhinaca siyaasada ay isaga soo dhawaanayaan dowladda federaalka, kadib markii ay kol hore booqasho ku tageen magaalada Muqdisho wafdi heer sare ah oo ka socday maamulka Ahlu Sunna ee gobollka Galguduud.

Xildhibaannada waxaa ay sheegeen in kulamadooda inta badan ay la qaadanayaan qeybaha bulshada oo sida ay sheegeen in ay ka dhageysan doonaan cabashada ay qabaan iyo baahiyaha dhabta ah ee ka jira deegaannada uu gobollka ka kooban yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya.