4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2013
Ganacsatada Koonfurta Gaalkacyo oo Billaabay inay Dayactir ku Sameeyaan Jidadka burbursan ee Magaaladaas
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Ganacsatada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, gaar ahaan Koonfurta Gaalkacyo oo uu ka taliyo maamulka Galmudug ayaa bilaabay dayactir ay ku sameynayaan qaar ka mid ah wadooyinka magaaladaas oo burbursan.


Wadooyinkan oo aan helin wax dayactir ah labaatankii sano ee dowlad la'aantu jirtay ayaa waxaa haddana kaga sii daray roobab xooggan oo bartamihii sannadkii hore ka da'ay degmadaas, iyadoo dayactirkan ay soo dhaweeyeen shacabka iyo maamulka Galmudug.

"Dayactirka lagu sameynayo waddooyinka waxaa iska kaashanaya maamulka iyo ganacsatada deegaanka, inkastoo dhaqaalaha inta ugu badan ay bixinayaan ganacsatada," ayuu yiri mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya Koonfurta Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay ka mid ahayd magaalooyinkii ay saameynta adag ku yeesheen colaadihii iyo burburka dalka oo dhan ku habsaday, iyadoo Koonfurta uu soo gaaray burbur xooggan oo dhinaca dhismayaasha iyo waddooyinka ah.

Saraakiil u hadlay maamulka Galmudug ayaa sheegay in dayactirka waddooyinka ay ku yimaadeen wacyi-gelinno la sameeyay, kuwaasoo dadweynaha looga dalbanayay inay ka qaybqaataan horumarinta deegaankooda iyo dib u dhiska waddooyinka.

Gaadiidleyda kala duwan ee ku nool Koonfurta Gaalkacyo ayaa waxay muddooyinkii dambe ka cabanayeen dayactir la'aanta waddooyinka Gaalkacyo gaar ahaan halka uu ka talinayo maamulka Galmudug, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo dayactir noocan oo kale ah lagu sameeyo waddooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya