4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2013
Ciyaartoydii Kubbadda Kolayga ee Somalia uga qeybgashay Tartankii Afrika ee Zone 5 oo xaflad sagootin ah loo sameeyay (SAWIRRO)


Talaado, January 29, 2013(HOL): Waxaa Hotelka Kilimanjaro ee ku yaalla magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania ka dhacday Xaflad aad u heer sarreysay oo lagu sagootinayay wafdigii iyo Ciyaartoydii Kubbadda Koleyga Soomaaliyeed ee  guulaha taariikhi ahaa ka soo hooyay Tartankii Africa Zone 5 ee lagu qabtay magaalada Dar es Salaam . Xafladda waxaa isku howlay oo qabashadeeda suurtageliyay  Safiirka wadanka aan walaalaha nahay ee Djibouti u fadhiya Tanzania  Mr. Saciid Shaamow.

Waxaa ka soo qeybgalay madaxd ka socoto safaarada Soomaaliya ee Tanzania, kuwaasi oo uu hoggaaminaayo Danjire C/xakiim Cali Yaasiin, waxayna madaxda safaaradda uga qeybgaleen xafladda in ay u mahadceliyaan wafdiga iyo ciyaartoyda Soomaaliyeed  ee mar walba ku howlan sare-u-qaadidda calanka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa kale oo ka hadlay Nuux Xuseen iyo Xaaji Burjeete oo ka mid ah maal-qabeennada Soomaaliyeed ee Tanzania ku nool, sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabadda Xoghayaha Guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax , Gudoomiye Ku xigeynka Xiriirka Kubadda Koleyga Max'ed Xaaji Cali iyo Xoghayaha Xiriirka Kubadda Koleyga Saciid Faarax Macallimiinta Kooxda Cumar C/qaadir Baarajab, Bashiir Fokis iyo Axmed Muuse  iyo sidoo kale jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool waddanka Tanzania, waxayna dhammaantood ammaaneen ciyaartoyda Soomaaliya u meteleysay tartankan oo karti iyo wadaniyad muujiyay.
 

Waxaa xusid mudan in intii ay socotay xafladda lagu sagootinayay wafdiga iyo Ciyaartoyda Kubbadda Kolayga Soomaaliyeed uu heeso ka qaadayay madaalaha hobolladii waaberi Cumar Cabdulle Shoolli.

Ciyaartoyda Kubadda Kolayga Soomaaliya oo ka qeybgalay Tartankii Africa Zone 5 ee lagu qabtay dalka Tanzania ayaa  waxay ku hareen rubac-dhammaadka tartanka, iyagoo horay uga soo badiyay dalalka Kenya iyo Burundi, waxaana guulaha ay tartanka ka gaareen si weyn ugu farxay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan.










Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]