4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2013
Ruux Ismiidaamiyay oo isku Qarxiyay Afaafka hore ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Muqdisho

Talaado, Jannaayo 29, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo uu ku jiro ruux ismiidaamiye ahaa ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin oo ka dhacay afaafka hore ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay weerarkaas tiro kale.

Weerarkan oo aanay weli cidina sheegan ayaa waxaa lala beegsaday ciidammo ku dhowr guriga ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo aysan jirin dhibaato weerarkaas kasoo gaartay ra'iisul wasaaraha oo xilligaa ku sugnaa xafiiskiisa.

Wakaaladaha wararka oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ay magadciisa ku sheegeen C/qaadir Cali ayaa sheegay in tirada dhimashada ay gaarayso lix qof, kuwaasoo uu ku jiray ruuxii ismiidaaminta sameeyay.

Balse war ay HOL ka heshay xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in hal askari oo oday ahaa uu ku dhintay weerarkaas, saddex askari oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhammaantood ka tirsanaa ilaalada xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

"Qarax weyn ayaa dhacay, waxaan arkay dhaawacyada iyo dhimashada askar fara badan oo isbitaallada loola cararayo, goobta oo dhanna waxaa xiray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda," ayuu yiri goobjooge lagu magacaabay Maxamed Xuseen oo u warramayay wakaaladaha wararka caalamka.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan baaritaanno ay ciidamada dowladdu ku sugayaan ammaanka, waxaana uu weerarkan noqonayaa kii ugu horreeyay oo sannadkan ka dhaca afaafka madaxtooyada Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa lagu wadaa inuu shir jaraa'id oo uu ku faahfaahinayo qaraxaan qabto goor dhow. Iyadoo la sheegay in ruuxa Ismiidaaminta sameeyay uu ku socday xarunta nabadsugidda Qaranka ay ku leedahay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Sannadkii hore ayaa waxaa qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada, inkastoo aysan jirin cid ka tiran dowladda oo wax ku noqotay weerarkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya