3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2013
Xildhibaanno Somaliland oo soo bandhigay lacago faro badan oo Miisaaniyada aan ku jirin oo Wasaarada Duulistu ay Isticmaashay


Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay xeerka takaaliifta (Adeegyada) madaaradda Somaliland, kuwaas oo qaarkood soo bandhigay lacago ay sheegeen in sifo sharci daro loo lunsaday, isla markaana miisaaniyadda Qaranka lagu soo darin.

Xildhibaanada ayaa sheegay in dakhliga ay wasaaradda Duulista ka hesho tobanka doolar ee dadka soo degayo ka qaado ay ka badan tahay  miisaaniyadda guud ee wasaaradda, taas oo aan ilaa hadda aanay wasaaradu cadayn halka ay ku baxday iyo xisaab xidhka lacagtaasi aan sharciga waafaqsanayn ee dadka soo degaya laga qaadi jiray, marka laga reebo inay sheegtay in ay amniga iyo qalabka casriga ah ee ku rakiban madaarka ay ku baxayso, balse si faahfaahsan aanay usoo bandhigin.

Sidoo kale waxay xildhibaanadu ku kala duwanayaan Da’da laga qaadi karo cashuurta tobanka dollar ee wasaaradu soo codsatay in loo sharciyeeyo, waxaanay qaarkood oo jeediyeen in aan qofkasta laga qaadi karin balse dadka shaqooyinka haysta ee awoodi kara lacagtaasi laga qaado, halka caruurta aan qaangaadhin iyo ardayda aan lacagtaasi laga qaadin, sidoo kale waxay xildhibaano kale soo jeediyeen in tobankaasi wax laga dhimo oo qofka laga qaado shan dollar.

“Waxaan qabaa in marka ugu horaysa lacagtan ay dakhliga gasho oo aan si gaar ah loo ururin wixii aan miisaaniyada galin waa qayrul sharci waana xaaraan, sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa lacagtaasi gashaa miisaaniyadda”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Xuseen oo ka doodayey xeerkan wasaarada duulistu usoo gudbisay, waxaanu intaas ku daray “ waxa kale oo aan soo jeedinayaa in wasaarada Duulistu xisaab xidhkii hore keento oo sideedaas bilood ee hore baarlamaanka la soo hor dhigo”

“Wasiirku waxa uu inoo sheegay in 27,570 Qof ay sanadkii hore ka qaadeen toban dollar oo u dhiganta 275,700 dollar, Bishiina noqonaysa kontonkun oo dollar, marka aad shantii bilood ee ay qaadaysay ku dhufato lacagtii 275,700 oo dollar ay noqonayso (hal bilyan, todoba boqol iyo laba iyo sagaashan milyan iyo kontonkun oo lacagta Somaliland Shiling ah), waxaana intaas dheer marka ku dhufato lix dollar oo saddex doollar marka uu qofku baxayo iyo marka uu soo degayo laga qaado waa 165.420 dollar,  waxa wasaarada soo galay sanadkaasi hore 4.71.121 Dollar oo  165 dollar ay sharciyeysan yihiin, 275 dollar aanay sharci haysan”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige oo hab xisaab ah ku soo bandhigay lacagta soo gashay wasaaradda Duulista iyo inta ku maqan.

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in cashuurta ay dadka ka qaado wasaaraddu ay ka badan tahay miisaaniyad sanadeedkeedda, sidaa darteed waxa usoo jeediyey in lacagtaasi halka ay ku baxday goluhu raadiyo iyo in lacagtaasi lagu daro miisaaniyadda Qaranka, ka dibna ay wasaaradu soo qoroto baahideeda.

Xildhibaan Maxamuud Xaaji Jaamac Dable oo isna xeerkaasi ka dooday ayaa yidhi “Lacagta ina hortaala iyo lacagtii hore waa in aynu xisaabteedii hore aragnaa oo la inoo keenaa oo miisaaniyada gashaa oo xisaab xidh la sameeyaa oo hanti dhawrku soo gudbiyaa, waa in raad raac la helaa, maaha inuu qofku sida uu doono ula baxo (Lacagta) ee waa in uu nidaamka dawladnimada maraa”.

Xildhibaan Ibraahim Caraale Cabdi ayaa ina ku dooday in golaha imika lagu dhaliilo inuu is xambaar yahay oo xukuumadda iyo golihii sharci dejintu isku milmeen, sidaa darteed goluhu aanu noqon mid xukuumadda u doodda ee uu noqdo mid waajibaadkiisa garta oo dadkii soo doortay xaqooqa u dooda.

Xildhibaan Aadan Xaaji Diiriye, ayaa isna soo jeediyey in sidii wasaaradu usoo samaysay xeerka sideedda lagu ansixiyo, waxa kale oo u ku dooday in aan waxba laga bedelin xaga da’da ee qofkasta oo tikidh iyo kursi leh laga qaada cashuurta tobanka dollar.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa isna taageeray qaabka ay usoo samaysteen wasaaradu xeerka iyo qaabka u kharash gareeyeen lacagataasi ay heleen, waxaanu ku dooday in wasiirku sheegay waxa uu ku qabanayo iyo kharashkaasi halka uu ku baxayo, isla markaana uu wasiirku wax qabad la taaban karo ka sameeyey madaarada, taasina ay keentay in diyaarado caalami ahi ku soo dhiiradaan inay madaarada yimaadaan, sidaa darteed xeerkan aan waxba laga bedelin ee la ansixiyo.

Sido kale, xidhibaano kale oo ayaa iyagun ku dooday in qalabka cusub ee madaarada la keenay loogu tallogalay in kharashkaasi ku baxaan, isla markaana shaqaale badan loo tobabaray, haddii xeerkasi la ansixin waayana uu qalabkaasi istaagayo.

Si kastaba ha ahaatee, doodan ayaa aad loogu kala aragti duwan yahay, waxaanay qaarkood ku doodayaan in dadka dibadaha ka imanay culays ku tahay tobanka dollar, halka qaarkoodna soo jeedinayaa in casriyeynta madaarada iyo qalabka cusub ee lagu rikabay uu kharashkaasi ku bixi doono loona baahan yahay in la dhiirigaliyo.

Xeerkan adeega madaarada ayaa tilmaamay in qofkasta oo soo dega toban dollar laga qaado, kaas oo shantii bilood ee u dambeeyey dadka laga qaadayey, waxanay lacagtaasi loogu tallogalay adeega madaaradda iyo amniga, maadaama oo qalab casri ah lagu rakibnay madaaradda.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland













Click here
1/28/2013 8:18 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Adrea Mazzela isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada dalka.

1/28/2013 8:03 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen shaqsiyaad ka shaqeeeya arrimaha bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa waxaa markii labaad lagu marti qaaday prof: Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr, oo labaduba ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya. Iyadoona ay madasha kulankan soo xaadireen in ka badan dad lagu qiyaasay sadex boqol oo ruux.

1/28/2013 7:30 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Ciidmada dowldda Soomaaliya ayaa howgallo ay kusoo qabqabteen xubno ay uga shakisan yihiin Al-shabaab ka sameeyay maanta xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee gobolka Banaadir.

1/28/2013 7:02 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyagoo kulammo la yeeshay waxgaradka gobollada Bay iyo Bakool, iyagoo kala hadlay maamul u smeynta gobolladaas.

1/28/2013 6:36 AM EST
Isniin, Jannaayo, 28, 2013 (HOL) – Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM iyo ciidamo si gaar ah loo tababaray oo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan la wareegeen sugida amniga Baladweyne waxaa is badal muuqda ku yimid nabad-galyada magaalada, taasoo keentay in ay dib u shaqo galaan goobihii danta-guud ee mudada dheer aan shaqeyn.

1/28/2013 6:18 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay baadhanayaan cabsida ay ingiriisku ka muujiyey nabadgalyada dalka, waxaaanay xuseen in aanay wax cabsi ah iyo nabadgalyo daro jirin oo ay nabadu ku jirto gacanta ciidamadda amniga.

1/28/2013 2:44 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda ku sugan Somaliland inay si dhaqso ah uga baxaan halkaas, kaddib markii ay soo baxeen sida warbixinta lagu xusay khataro cusub oo kusoo food leh dadka reer galbeedka ah ee Somaliland ku sugan. Iyadoo naamulka Somaliland uu arrintaas ka hadlay.

1/28/2013 2:10 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan baaritaanno xooggan oo lagu ogaanayo dadka ka danbeeya dilalka magaalada Muqdisho loogu geeysto wariyeyaasha.

1/28/2013 12:40 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay kulanka Midowga Afrika ee shalay ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa ka dalbaday dalalka Afrika inay gacan siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay beesha caalamka doorkeedana uu yahay mid aan la yareysan karin.