4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Dowladda Soomaaliya iyo Deeq-bixiyeyaasha oo ku Heshiiyay in la sameeyo hay’ad la socota deeqaha la siiyo Somalia

Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) —Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha deeqaha bixiya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo hay’ad la socota deeqaha la siiyo dowladda Soomaaliya, kaddib markii uu kulan madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo safiirro ka socda dalalka deeq-bixiyeyaasha ah ku dhexmaray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii lagu xoojin lahaa hay’adaha dhaqaalaha Soomaaliya, iyo sidii lagu ogaan lahaa dhaqaalaha Soomaaliya la siiyo iyo halka ay ku baxaan.

Madaxweyanha ayaa waxaa kulankan ku wehliyay wasiirka maaliyadda iyo lacagta, Maxamuud Xasan Suleymaan iyo guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar, waxaana dhinaca dalalka deeqaha bixiya ka socday safiirrada dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Jabaan, Talayaniga, Turkiga, Denmark, Norway, Sweden, Finland, Bankiga Adduunka iyo ururka G7 iyo Qaramada Midoobay.

“Mid ka mid ah qodobbadeenna siyaasadeed ee lixda ah ayaa dhigaya in la abuuro hay’ado shaqeynaya,” ayuu madaxweynuhu u sheegay safiirradii uu la kulmay, isagoo xusay inay dowladdiisu aragto hay’adaha dhaqaalaha dalka oo shaqeynaya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa isaguna sheegay in qorshahan uu yahay mid lagula soconayo dhaqaalaha Soomaaliya soo galaya iyo halka uu ku baxayo, isagoo xusay in hay’adda la sameynayo ay ka koobnaan doonto dalalka deeqaha bixiya iyo mas’uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya.

Hay’addan la sameynayo ayaa la sheegay inay tahay mid hormuud u noqon doonta in Soomaaliya ay dib u soo kabato, sidoo kalena uu meesha ka baxo musuqmaasuqa looguna kalsoonaado dowladda Soomaaliya.

Madaxweynah Soomaaliya ayaa ka dalbaday hay’adaha samafalka inay kala shaqeeyaan dowladda Soomaaliya sidii ay ku hirgelin lahaayeen lixda qodob ee ay ku saleysan tahay siyaasadda ay dowladdiisu ku shaqeynayso.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa kusoo xiray inay dowladdiisu ka shaqeyn doonto sidii kaabayaasha dhaqaalaha ay dib loogu howlgelin lahaa, isla-xisaabtan iyo hay’adaha dhaqaalaha oo howshoodu ay tahay mid cad, isagoo xusay in Soomaaliya laga caawiyo sidii loo dhisi lahaa hay’addahaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya