4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Danjire Kenya ay u soo Magacowday Soomaaliya oo Warqadihiisii Danjirenimo ku wareejiyay Madaxweynaha Soomaaliya


Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Danjiraha Kenya ay u soo magacowday Soomaaliya, Josphat Maikara ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, isagoo warqadihiisa danjirenimo ku wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Safiirka Kenya ay u soo magacowday Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay danijraha Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Ameerika iyo wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa danjiraha Kenya u fariisanaya Soomaaliya ka guddoomay aqoonsigiisa danjiranimo; iyadoo imaanshaha safiirkan ay ku soo beegmayso xilli dowladda Kenya ay amar ku bixisay in Soomaali badan oo dalkeeda ku nool ay ku laabtaan xeryaha qoxootiga oo xilligan ammaan ahaan aad u xun.

Danjiraha Ameerika oo saxaafada kula hadlayey garoonka diyaaradaha ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin qaxootiga ku nool xarunta dalka Kenya ee Nairobi iyo dadaallo ay samaysay safaaradda Soomaaliya oo ku aaddan sidii qaxootigaas ay u heli lahaayeen xuquuqda ay helaan dadka Kenyanka ah.


“Waxaan dadaal u galnay sidii aan dowladda Kenya uga dhaadhicin lahayn inay ka dayso qasab ku rarida dadka Qaxootiga ah ee ku nool magaalada Nairobi, waxaana arrinkaas nagala shaqeeyey hay’ada Qaxootiga ee (UNHCR) waana nalaga aqbaly arrinkaas, waxaana dadka Soomaaliyeed ku boorinaynaa inay ilaaliyaan sharciga iyo amniga Kenya, kalana shaqeeyaan dowladda sidii ay isaga dhex-qaban lahaayeen kuwa carqaladaynaya nabad ku wada-noolanshaha bulshooyinka ku dhaqan Kenya,” ayuu yiri Ameerika.

Dhanka kale, danjiraha Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya uu u blilaabanayo xiriir siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid lagu xaqiijinayo ammaanka gobolka madaama maanta danjiraha cusub ee Kenya uu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbinayo madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, danjiraha cusub ee dowladda Kenya ay u soo magacowday dalka Soomaaliya, Josphat Maikara ayaa isaguna sheegay in mar walba uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo labada waddan, haddana lasii xoojin doono xiriirkaas markii si rasmi ah safaaraddeennu dhawaan uga howlgasho magaalada Moqdisho, iyadoo labada dal uu sidoo kale ka dhexeeyo xiriir ganacsi oo ballaaran.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya