4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo kulan ay yeesheen uga hadlay Maamul u sameynta Deegaannadii Al-shabaab laga saaray

Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) —Golaha wasiiradda dowladda Soomaaliya ayaa maanta shir ay isugu yimaadeen waxay uga hadleen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin: maamul u sameynta gobollada, xaslinta dalka iyo sidii loo soo celin lahaa dhulka iyo hantida dowladda ee gacanta ugu jira shacabka.

Shirkan oo guddoominayay ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa markii lasoo gabgabeeyay waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka garsoorka iyo arrimaha diinta, Cabdulaahi Abyan Nuur isagoo ka warbixiyay waxyaabihii kulanka looga hadlay.

Golaha ayaa ka dooday sidiil- loo dardar-galin lahaa qorshaha nabad-galyada iyo dib-u-xasilinta dalka, kaasoo soo billowday xiligii lagu jiray KMG-nimada. Waxaana lagu wargaliyey wasaarad kasta inay soo magacowdo guddi ku matalaya kasoo tala-bixinta iyo dhameystirka qorshaha ballaaran ee lagu xasilinayo dalka.

Sidoo kale, golaha wasiirradu waxay kusoo qaadeen kulankooda sidii loogu samayn gobollada iyo dagmooyinka laga saaray Al-shabaab maamullo KMG ah. Waxaana howshaas loo xilsaaray wasaaradda arrimha gudaha, wuxuuna sidoo kale goluhu dib u dhigay hindisa ay soo gudbisay wasaarada arrimaha gudaha kaasoo ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee loogu dhisayo gobollada iyo degmooyinka dalka maamullo, iyadoo goluhu isku raacay in Khamiista soo socota cod loo qaado sharcigaas.

Ugu dambeyn, golaha wasiiradda ayaa isku raacay inaysan waxba ka jirin dhammaan dhulalka dowladda ee la iibsaday, la bixiyay, lana kireeyay wixii ka danbeeyey 1990-kii, waxaana xukuumaddu u xil-saartay baaritaanka arrintaan guddi gaar ah, gudigaas oo ka kooban shan wasaaradood oo kala ah: wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda howlaha guud, wasaaradda garsoorka, wasaaradda maaliyadda iyo wasaaradda gaadiidka, iyadoo guddigan ay hoggaaminayso wasaaradda arrimaha gudaha.

Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay toddobaadkiiba yeeshaan laba shir oo kala dhaca maalmaha Isniinta iyo Khamiista waxayna kaga hadlaan arrimhii ugu dambeeyay ee dalka iyo howlaha horyaalla.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya