4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inay si dhakhso ah wax uga qabanayso dilalka loo geysto Suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho

Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) —Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan ahayn arin laga aamusi karo dhibaatooyinka lagu hayo saxaafadda Soomaaliya, waxayna ballanqaaday in ay sameyn doonto baaritaanno iyo dabagal la xiriira cidda ka danbeeyso dilalkaasi.

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu kamid ahaa wasiirka arimaha gudaha oo maanta booqday xarunta idaacadda Shabellle oo dhawaan laga dilay wariye katirsanaa shaqaalahooda ayaa halkaasi kula kulmay maamulka iyo shaqaalaha idaacadda, ugana tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan.

Ra’isul wasaaraha ayaa hadallo ka dhageystay qaar katirsan wariyayaasha u shaqeeya idaacadda shabelle kuwaasoo uga warbixiyay dhibaatada heysata saxaafadda Soomalida, iyo weliba in aysan jirin cid katirsan dowladda Soomaaliya oo dabagal ku sameysa marka la dilo qof suxufi ah.

Ra’isul wasaaraha ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyay shaqaalaha idaacadda shabelle iyo bahda saxaafadda Soomaalida, wuxuuna xusay in xukuumadiisu ay aad uga xuntahay dilalka loo geeysto wariyayaasha Soomaaliyeed ee u dhabar adaygay in ay ku shaqeeyaan marxaladda adag, isagoona  ballan qaaday in baaritaan lagu sameyn doono arimahaasi islamarkaasina aan laga aamusi doonin dad uu ku sheegay in ay yihiin danbiileyaal caadeeystay  dilalka wariyeyaasha.

Sidoo kale ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in awoodooda ay isugu geeyn doonaan sidii loo sugi lahaa ammaanka Suxufiyiinta Soomaaliyeed isagoona ku amray wasiirka arimaha gudaha in sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyo baaritaanno lagu dabagalayo kooxaha ka danbeeyo dilalka wariyeyaasha.

Agaasimaha idaacadda shabelle oo booqashada wafdiga ra’isul wasaaraha kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in booqashadani ay u tahay dhiirigelin, isagoona xusay in ay noqoneyso markii ugu horeeysay oo masuul dowladda katirsan uu booqdo xarunta idaacadda shabelle si uu uga tacsiyeeyo geeri ku timid shaqaalahooda xilli sanadii hore idaacadda shabelle laga dilay ku dhowaad afar wariye, arintaasoo uu xusay in ay u muujineeyso in hogaanka dalka uu la qabo xanuunka ay dareemayaan.

Hadalkan kasoo yeeray ras’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan kooxo hubeysan ay magaalada Muqdisho ku dileen wariye Cabdi Xareed oo u shaqeyn jiray idaacadda shabelle, dilkaasoo noqonayo kii ugu horeeyay ee sanadkan wariye loogu geeysto Soomaaliya, xilli sanadii hore gudaha dalka Soomaaliya lagu dilay ku dhawaad ilaa 18 wariye.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya