3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Sheegay in la Xoojinayo Ammaanka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Axad, Jannaayo, 20, 2013 (HOL) – Iyadoo isbadal la taaban karo uu ka jiro xiligan amniga magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan, ayaa haddana dhinaca kale waxaa wali ka soconaya magaalada kulamo iyo wadatashiyo ay leeyihiin mas’uuliyiinta maamulka gobollka , saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo waxgaradka magaalada kuwasoo looga arinsanayo sidii loo soo xoojin lahaa amaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan Axmed Cismaan C/dalla Inji oo warbaahinta la hadlllay ayaa sheegay in la magacaabay guddi ka kooban sida uu sheegay 60 xubnood oo u tagan in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada xaafaddaha magaalada Baladweyne iyo arrimaha la xiriira hormarinta adeegyada bulshada.

‘’Afarta xaafadood ee magaalada ka kooban tahay, xaafad kasta waxaa ka howlgali doona 15 xubnood oo u xil saaran la socoshada nabad-galyada xaafaddaas, iyaga ayaana lagala xisaabtamayaa hadba arrimaha amaanka ku saabsan ee xaafada ku soo kordha,’’ ayuu yiri Axmed Inji.

Xiliyada habeenkii ayaa lagu arkayaan magaalada ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobollka Hiiraan oo si gaar ah isha ugu haya dhaq dhaqaaqa nabad-galyada iyo falalka ka dhan-ka ah amaanka, waxaana hadda muuqata in ciidamadaas lagu kordhiyay guddi ay xaafadduhu leeyihiin oo kala shaqeyn doona amaanka.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa kulamo joogta ah la qaata waxgaradka iyo odayaasha magaalada Baladweyne iyaga oo iska xog wareysanaya xaaladaha nabad-galyada iyo haddii ay jiraan arrimo u baahan in deg deg looga howlgalo.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa siweyn u soo dhaweeynaya talaabada ay wadajirka uga qaadeen saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti sugida amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
1/20/2013 10:12 AM EST
Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta ku toogtay bartamaha suuqa degmada Jowhar nin taksiile ah oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Daahir Cumar, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in askariga uu dilo ninka taksiilaha.

1/20/2013 9:42 AM EST
Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay ciidammo gaar ah u sameysay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo hadalkiisa ku daray in muddo yar gudaheed la sugayo ammaanka guud ee caasimadda.

1/20/2013 8:00 AM EST
Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) —Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan ahayn arin laga aamusi karo dhibaatooyinka lagu hayo saxaafadda Soomaaliya, waxayna ballanqaaday in ay sameyn doonto baaritaanno iyo dabagal la xiriira cidda ka danbeeyso dilalkaasi.

1/20/2013 6:40 AM EST
Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) —Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi faarax shirdoon (saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose halkaasoo uu kulamo kula qaatay madaxda maamulka degmadaasi.

1/20/2013 4:40 AM EST
Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aqoonsiga dowladda Mareykanka ay siisay Soomaaliya uu yahay mid dhabar jab ku ah gooni-isu-taagga Soomaaliland, isagoona sheegay in arintaasi ay dhibaato u keeni karto wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.