3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2013
Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo sheegay in Aqoonsiga la siiyay Soomaaliya uu Dhabar-jab ku yahay Somaliland

Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aqoonsiga dowladda Mareykanka ay siisay Soomaaliya uu yahay mid dhabar jab ku ah gooni-isu-taagga Soomaaliland, isagoona sheegay in arintaasi ay dhibaato u keeni karto wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

Masuulkani oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aqoonsiga dowladda Mareykanka ay siisay Soomaaliya ay tahay mid cawaaqib xumo u keeneysa qadiyadda gooni isu taagga Somaliland, isagoona masuliyadda arintaasi dusha kaga tuuray dowladda uu hogaamiyo madaxweeyne Siilaanyo.

Masuulkani ayaa sheegay in aqoonsiga ay dowladda Mareykanka siisay Soomaaliya islamarkaasina siyaasaddii labada dhinac ahayd uga soo reebtay mid qura ay tahay mid saameyn ku yeelaneeysa la macaamilkii maamulka Somaliland ee beesha caalamka, wuxuuna sheegay in dowladihii kale ee ay la macaamili jireenna ay mari doonaan wadadaasi.

“Dalku wuxuu ka koobnaa Somaliland iyo Soomaaliya, inay dhinac qura ictiraaftaa waqtigan ma ahayn, maadaama hada labadii dhinac wada hadlayaan, markaa waxaan u aragnay tan imika ay sameysay in ay jug weyn ku tahay Somaliland iyo xitaa wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya wax weyn ayay u dhimeysaa baan u aragnaa,” ayuu yiri masuulkani.

Masuulkani ayaa ku eedeeyay dowladda imika jirta ee Somaliland in ay masuul ka tahay dib u dhaca ku yimid siyaasadda arimaha dibadda ee maamulkaasi, isagoona sheegay in dowladda Mareykanku ay ku deg-degtay go’aanka ay ku ictiraaftay Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan ay qaban doonaan shir weeyne looga hadlayo arinta Somaliland iyo badbaadinteeda oo ay isugu yeeri doonaan aqoonyahannada iyo waxgaradka u dhashay Somaliland.

Hadalkan kasoo yeeray hogaaminaya Xizbiga Ucid ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan dowladda Mareykanku ay ku dhawaaqday in mudo 20 sano kadib ay si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya islamarkaasina siyaasaddii laba geesoodka ahayd ee ay kula macaamili jirtay  dowladda Soomaaliya iyo maamullada kajira dalka ay hadda ka dhigtay mid qura.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/20/2013 10:12 AM EST
Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta ku toogtay bartamaha suuqa degmada Jowhar nin taksiile ah oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Daahir Cumar, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in askariga uu dilo ninka taksiilaha.

1/20/2013 9:42 AM EST
Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay ciidammo gaar ah u sameysay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo hadalkiisa ku daray in muddo yar gudaheed la sugayo ammaanka guud ee caasimadda.

1/20/2013 8:00 AM EST
Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) —Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan ahayn arin laga aamusi karo dhibaatooyinka lagu hayo saxaafadda Soomaaliya, waxayna ballanqaaday in ay sameyn doonto baaritaanno iyo dabagal la xiriira cidda ka danbeeyso dilalkaasi.

1/20/2013 7:07 AM EST
Axad, Jannaayo, 20, 2013 (HOL) – Iyadoo isbadal la taaban karo uu ka jiro xiligan amniga magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan, ayaa haddana dhinaca kale waxaa wali ka soconaya magaalada kulamo iyo wadatashiyo ay leeyihiin mas’uuliyiinta maamulka gobollka , saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo waxgaradka magaalada kuwasoo looga arinsanayo sidii loo soo xoojin lahaa amaanka.

1/20/2013 6:40 AM EST
Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) —Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi faarax shirdoon (saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose halkaasoo uu kulamo kula qaatay madaxda maamulka degmadaasi.