4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2013
Booliis ka badan 100-Askari oo Tababar looga furay Degmada Dhuuso-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud

Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidammo booliis ah oo tiradooda ay gaarayso 160-askari booliis ah ayaa wuxuu tababar uga furmay maanta oo Sabti ah xarunta gobolka Galguduud ee Dhuusamarreeb, tababarkaas oo socon doona muddo hal toddobaad ah.

Degmada Dhuusomareeb oo ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxay noqonysaa markii ugu horreysay oo tababar looga furo ciidamo booliis ah tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo hadda laga joogo 22-sano.

“Tababarkan waa kii ugu horreeyay oo ciidammo booliis ah looga furo degmada Dhuusomareeb muddo 20-sano ka badan. Tababarkan oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa waxay ciidammadu ku baran doonaan habka sugidda ammaanka,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka gobolka Galguduud, Saadaq Sheekh Yuusuf oo ka hadlayay furitaanka tababarka.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka wuxuu sheegay in mushaarka iyo qalabka ay u baahan yihiin ciidamadan ay dowladda Soomaaliya ballan-qaaday inay iyadu bixin doonto.

Sidoo kale, guddoomkiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna, Sheekh Yuusuf Maxamed Xeefoow oo isaguna ka hadlay xafladdii furitaanka tababarkan ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo, isagoo ku ammaanay dowladda federaalka ah inay markii ugu horreysay tababar uga furto Dhuusomareeb ciidammo ka tirsan booliiska Soomiaaliya.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad si wanaagsan casharrada uga faa’iideysataan, aadka isku diayaarisaan inaad ka shaqeysaa sugidda amniga degmada gobolka, gaar ahaan deegaannada aad ka howlgeli doontaa,” ayuu yiri Xeefoow oo la hadlayay ciidamadii tababarka loo furay.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta gobolka Galguduud ayaa sheegay in ciidamadan laga soo xulay dhammaan deegaannada uu gobolka ka kooban yahay, iyagoo sheegay inay soo dhaweynayaan in ciidammo ammaanka suga loo tababaro degmooyinka gobolka, gaar ahaan Dhuusomareeb.

Tababarka ciidamada looga furay Dhuusomareeb ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlusunna ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan in ciidamada Ahlusunna ay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya