4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2013
Howlgallo ballaaran oo laga sameeyay Muqdisho iyo sarkaalkii Al-shabaab ee Jowhar ee Dowladda isku dhiibay

Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof ka sameeyay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir. Iyadoo sidoo kale uu dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay sarkaalkii amaanka degmada Jowhar ee Al-shabaab.

Howgalladan oo ka dhacay deegaannno ku teedsan xaafadaha Nasteexo iyo silliga Mareykanka ayaa waxay kusoo qabqabteen ciidamadu hub iyo kooxo ay uga shakisan yihiin inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

“Waxaa howlgalladi maanta oo ay iska kaashadeen ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM lagu soo qabqabtay 730-qof, waxaana afartan ka mid ah lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, intii kale oo ahayd 690-qof waa lasii daayay,” ayuu yiri taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg.

Taliyuhu wuxuu hadalkiisa kud aray in howgalka maanta uu qayb ka ahaa howgallo lagu adkeynayo ammaanka guud ee Muqdisho, ayna socon doonaan inta caasimadda laga nadiifinayo Al-shabaab.

“Guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir oo dhan waa laga sameynayaa howgalladan wayna soconayaan inta laga xaqiijinayo ammaanka. Howlgalkii maanta hub aan badnayn ayaa lagu soo qabtay, kuwaasoo ahaa saddex qori,” ayuu yiri Col. Ereg.

Dhanka kale, hay’adda nabadsugida ayaa soo bandhigtay sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa ammaanka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, kaasoo lagu magacaabo Sheekh Cumar Macallin Cali.

“Aniga waxaan ka tirsanaa Al-shabaab, waxaana la shaqeynayay muddo saddex sano ah anigoo joogay degmada Jowhar, waxaana go’aansaday inaan ka baxo, markii aan ogaaday inay shacabka dhibaato ku hayaan,” ayuu yiri Sheekh Cumar oo saxaafadda la hadlay.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa sheegay in howgallada ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ay rajeynayaan inay Muqdihso u horseedaan ammaan iyo deggenaasho buuxda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya