4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2013
Shirkadda Isgaarsiinta Golis oo Qaboojiyaha Meydadka ugu deeqay Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso [SAWIRRO]



Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso ku wareejisey qaboojiye loogu tala galay in dadka meydka ah la geliyo.

Munaasabad qaboojiyahan lagula kala wareegayey oo ka dhacday gudaha Isbitaalka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay hoggaanka xafiiska xiriirka dadweynaha ee shirkadda Golis Faarax Xaaji Mire.

Wuxuuna sheegay in shirkadda Golis ay tahay mid bulshada ka timid; sidaas darteedna ay mar walba u taagan taay horumarinta bulshada iyo haqab tirka baahiyahooda lagama maarmaanka ah.

Mudane Faarax ayaa intaas raaciyey in qaboojiyahani uu yahay mid si weyn loogu baahnaa, maadaama markii hore lagu khasbanaa in meydku uu muddo badan banaanka oollaado, arintaasina ay tahay mid aan habooneyn.

Agaasimaha Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso Dr. Cabidlaahi Siciid Aw-muuse oo isna goobta ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyey shirkadda Golis.

Wuxuuna tilmaamay in Isbitaalka magaalada Boosaaso iyo guud ahaan kuwa deegaanada Puntland ay baahi weyn u qabaan in ay helaan qaboojiyaha meydka. Dr-ka ayaa xusay in xilliyada shilalka aad loogu baahdo in meydka muddo la hayo si loo aqoonsado.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Siciid Xuseen ciid oo isagu ugu danbeyntii hadalka qaatay ayaa xusay in arintani ay tahay mid kudayasho mudan, isagoo ugu baaqay shirkadaha kale in ay Golis ku daydaan.

Waa markii ugu horeysey ee qaboojiyaha meydka la keeno Isbitaalka magaalada Boosaaso, waxaana arintan si weyn uso dhoweeyey guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya