3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2013
Qaramada Midoobay oo si adag u Cambaareysay kufsiga iyo Guurka khasabka ah ee lagula kaco Haweenka Soomaaliyeed


Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa cambaareyn dusha uga tuurtay dhibaatooyinka loo geysto haweenka oo ay ka mid yihiin kufsiga iyo guurka khasabka ah ee lagula kaco haweenka Soomaalida, iyadoo la sheegay in qofkii dambigaas lagu helo loo gudubin doono maxkamadda caalamiga ah si loogu ciqaabo dhibaatadii uu haweenka Soomaaliyeed u geystay.

Wakiilka gaaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha ku saleysan kufsiga, Zainab Hawa Bangura oo wareysii siinaysay VOA-da ayaa sheegtay in sannadkii hore ay diiwaan-geliyeen 100-kiis oo ku saleysan kufsiga haweenka Soomaalida, taasoo ay baaritaanno ku hayaan.

“Wararka aan ka helayno Soomaaliya waxay muujinayaan inuu kufsi ka jiro xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah, taasina walaac xooggan ayay nagu haysaa,” ayay tiri Zainab Bangura.

Wakiilku waxay sheegtay in kufsiga uu ka mid yahay dambiyada dagaalka ee dunida ka dhaca, ciddii gashana aysan ka baxsan doonin sharciga. “Kufsigu waa dambi dagaal ciddii gashana lagama harayo meel walba oo ay gasho.”

Mar su’aal laga weydiiyay sida ay u aragto kiiska ku saabsan haweeney la kufsaday oo la xiray iyo wariyihii warbixinteeda dibadda soo dhigtay oo isna xabsiga ku jira ayay ku jawaabtay:

“Ma rumeysannin in la xiro wariye ama qof la dhiibaateeyay, waayo waxaan u aragnaa taas in loola jeedo in la qariyo dhibaatooyinka haweenka loo geysto, balse innagu waxaan ku tiirsanaan doonnaa qaybaha kala  duwan ee bulshada oo ay suxufiyiinta ku jiraan si aan wax uga ogaanno dhibaatada ku saabsan jinsiga ee haweenka loo geysto.”

Haweeneydan ayaa sheegtay inay sannadkan dhammaadkiisa tegi doonto magaalada Muqdihso si ay uga qaybqaadato baaritaannada lagu sameynayo kufsiga haweenka loogu geysto Soomaaliya.

Sidoo kale, Zainab Bangura waxay sheegtay in booliiska iyo garsoorka oo ay ku eedeysay inaysan u marin habkii la doonayay in loo baaro arrintan, iyadoo xustay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay inay tababarro siiso ciidamada booliiska, kuwaasoo ku saabsan habka loo baarayo dambiyada noocan oo kale ah.

“Waxaan ka filaynay ciidamada booliiska inay baaritaanno ku sameeyaan xad-gudubyada ku saleysan jinsiga ku saleysan ee ka dhaca goobaha ay colaaduhu ka jiraan, waxaana ka filaynaa in garsoorka uu dacwad kusoo oogo ciddii lagu caddeeyo dambiga uu xafiiskeedu u gudbin doonaan gala maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada,” ayay tiri Bangura.

Sarkaaladdu waxay sheegtay inaan la aqbali karin in dowlad Qaramada Midoobay ka tirsan ay xirto wariye daah-rogay fal kufsi oo dambi ah iyo qofkii la dhibaateeyay midna halkii ay ahayd in dowladdu ay ka faa’iideysato arrintaas oo ahayd howl iyada u taallay balse loosoo bandhigay.

Dhanka kale, Zainab Bangura waxay ka hadashay dhibaatooyin loo geysto haweenka ee ka dhaca deegaannada ay Al-shabaab ka taliso, kuwaasoo ay ka mid yihiin guurka khasabka ah, iyadoo sheegtay in arrimahaas ay baaris ku hayso.

“Waxaan helnay warbixinnada noocan oo kale ah, baaris ayaana ku haynaa waxaana ku kalsoonnahay inaan soo bandhigi doonnaa magacyada kuwa geystay ama ku kacay falalkaas, mana baxsan doonaan,” ayay tiri Bangura oo intaas ku daray in kuwa dambiyadan ay ku caddaato ay horgeyn doonaan maxkamadda calaamiga ah ee dambiyada.

“Xafiiskeennu wuxuu awood u leeyahay inuu kuwa dambiyada ka dhanka ah haweenka ee kufsiga iyo guurka khasabka ah uu bulshada dhexdeeda ku ceebeyn karo,” ayay tiri Wakiilka gaaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha ku saleysan kufsiga.

Ugu dambeyn, haweeneydan waxay ugu baaqday haweenka Soomaalida oo muddo badan dhibaatooyin lagu hayay ay ogaadaan inay garab-taagan yihiin oo aysan meel cidlo ah joogin, iyadoo ka dalbatay inaysan aamusin oo ay si cad u sheegaan kuwa dhibaatooyinka u geysanaya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii November ee sannadkii hore ka sheegay Muqdisho in askarigii kufsi u geysta haweeney ay ciqaabtiisu noqon doonto dil toogasho, iyadoo maalmo ka horrna dil lagu fuliyay askari kufsi u geystay haweeney rayid ah.

“Ciribtirka kufsiga wuxuu kaalinta hore kaga jiraa siyaasadda dowladda aan hoggaaminayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka jawaabay su’aal arrintaas ku saabsan oo lagu weydiiyay waddanka Mareykanka oo uu booqasho ku joogo, isagoo intaas ku daray inay dhammaatay xilligii isla-xisaabtan la’aanta.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo uu xabsiga ku jira wariye soo tabiyay warbixin ku saabsan haweeney u sheegtay inay kufsadeen tiro ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo dowladduna ay arrintan ku tilmaamayso been la dhoodhoobay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/19/2013 12:10 PM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidammo booliis ah oo tiradooda ay gaarayso 160-askari booliis ah ayaa wuxuu tababar uga furmay maanta oo Sabti ah xarunta gobolka Galguduud ee Dhuusamarreeb, tababarkaas oo socon doona muddo hal toddobaad ah.

1/19/2013 12:09 PM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Maxkamad ku taalla Koonfurta dalka Yemen ayaa maanta oo Sabti ah ku xukuntay saddex ruux oo Soomaali ah min 10-sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inay afduubeen gacanka Cadan ka afduubeen dooni ganacsi.

1/19/2013 7:53 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Cabsi weyn ayaa saqdii dhexe ee xalay soo wajahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaddib markii duleedka Koonfur-barri degmadaas uu dagaal xoogan oo muddo kooban ku dhexmaray ciidamada Somaliland oo halkaas fariisin ku lahaa iyo ciidammo taabacsan maamulka Khaatumo.

1/19/2013 7:40 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga ay dowladda Mareykanka aqoonsatay dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale ka hadlay dil shalay loogu geystay Muqdisho wariye iyo sidoo kale wariye kale oo xiran.

1/19/2013 7:21 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Boqollaal qoys oo dhawaan ka barakacay dagaallo iyo duqeymo jaziiradda Kudhaa ee gobolka jubada hoose ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhibaateeysanyihiin deegaano ku dhow-dhow Jaziiradaasi.

1/19/2013 7:15 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof ka sameeyay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir. Iyadoo sidoo kale uu dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay sarkaalkii amaanka degmada Jowhar ee Al-shabaab.

1/19/2013 2:47 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa xalay kula hadlay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dadweyne Soomaaliyeed oo tiradoodu ahayd 5,000 oo qof.

1/19/2013 2:45 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso ku wareejisey qaboojiye loogu tala galay in dadka meydka ah la geliyo.

1/19/2013 1:59 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Raaskaambooni iyo xoogagga al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose.

1/19/2013 12:00 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa la filayo inuu maanta uu soo xiro wada-hadal afarta maalmood qaatay oo uu ku joogo degmadda Saylac ee gobolka Salal kaddib markii lagu heshiin waayay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee halkaas ka dhashay sannadkii hore.