3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
Kulankii looga hadlayay Qorshe Howleedka Hay'adda CCD Sannadka 2013 oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Xarunta hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay kulan wadatashi ahaa oo looga hadlayay qorshe-howleedka hay'adda ee sannadka 2013, kaasoo laga soo saaray qodobbo la xiriira yoolka hay'adda ay hiigsaneyso sannadkan.

Kulankan oo ay ka qayb-galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta sare ee haya’dda ayaa labadii maalmood ee uu soconayay la isku dhaafsaday fikrado iyo talooyin la xiriira horumarinta bulshada, isla markaana si ficil loogu bedelo waxyaabaha la hiigsanayo.

Guddoomiyaha CCD, Ciise Axmed Cumar oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay talooyinkii ay soo jeediyeen xubnihii ka qayb-qaadanayay kulanka tallooyinkii, isagoo ku baaqay in si ficil ah loo bedelo arrimihii ay soo bandhigeen.

Intaas kadib ayaa ka qayb-galayaasha oo isugu jira culummo, xubno ka socday bulshada rayidka, dhallinyaro, dhaqanka iyo haweenka waxay guda-galeen ka doodista sida ay koox walba ku gaari karto sannadkan cusub 2013 hadafka ay hiigsaneyso oo isugu jira mid dhow iyo mid fog.

Xubnahan ayaa waxay soo jeediyeen in la joogteeyo shirarka ceynkan oo kale ah, isla markaana wacyi-gelinta la gaarsiiyo gobollada, iyagoo intaa ku daray inay ka go'an tahay u caqli-celinta dhallinyarada la qalday, si ay bulshada ugu darmaan.

Dhinaca kale, xubnahan ayaa waxay soo gudbiyeen si loo gaaro nabad buuxda inay lagama maarmaan tahay in ardayda iskuullada manaahijtooda loogu daro casharo ka hadlaya, nabada, wadan jaceylka iyo dhawrida xuquuqda qof walba uu leeyahay.

Sidoo kale, waxaa ay soo jeediyeen in dhallinyarada loo abuuro xirfado shaqo, tababar iyo wacyi-gelin la siiyo, isla markaana barnaamijyo is dhex-galka bulshada sida tartamo isboorti loo sameeyo.

Ugu dambeyn, go'aannada kasoo baxay xubnihii lixda qaybood ayaa waxaa aqriyay xubnaha hormuudka u ahaa kooxaha, iyadoo go'aannadan la sheegay inay noqon doonaan waxyaabaha ay hay'adda ku howl-geli doonto bilaha soo socda.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/16/2013 1:18 PM EST
Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynayso wadahadallo walba oo nabadeed, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay kusoo biiraan qorshaha nabadeed ee dalka.

1/16/2013 11:58 AM EST
Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Ururrada bulshada rayidka Somalia ayaa munaasabad ay soo qabanqaabiyeen oo ay ka qaybgaleen waxgarad fara badan oo matalayay qaybaha bulshada Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah fanaaniinta ayaa lagu soo dhaweeyay dhallinyaro dhawaan ku dhawaaqay inay ka tanaasuleen falalka burcadbadeednimada.

1/16/2013 8:33 AM EST
Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) —Ciidamada maamulka KMG ee degmada Kismaayo ayaa xalay toogasho ku dilay mid kamid ah dadka rayidka, waxaana ilaa imika la garanayn sababta ka danbeeysay dilkiisa.

1/16/2013 8:24 AM EST
Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) —Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Maye ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho uga warbixiyay sababaha loo xiray wariye C/casiis Cabdinuur Ibraahim Koronto oo maalmihii ugu danbeeyay ay isa soo tareeysay cambaareynta ku aadan xarigiisa.

1/16/2013 8:18 AM EST
Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in go'aan kama dambeys ah ay ku gaareen in dil toogasho ah ay ku fulinayso sarkaalka Faransiiska ee Dennis Allex kaasoo gacanta ay ku hayeen saddexdii sano ee ugu dambeeyay.

1/16/2013 7:57 AM EST
Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay baaritaanno ku sameyn doonaan dhacdo dad rayid ay ku dhinteen oo shalay ka dhacday deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose.

1/16/2013 7:39 AM EST
Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukunno dil ah ku fulisay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaasoo ku kala eedeysnaa dil iyo kufsi.

1/16/2013 7:14 AM EST
Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu guddoomiyaha bankiga dhexe ee Qaranka u magacaabay, C/salaan Cumar Hadliye.

1/16/2013 6:40 AM EST
Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu horkacayo oo maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa u kicitimay dalka Jabuuti.

1/16/2013 6:39 AM EST
Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. C/samed Cali Shire ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto wasaaradda duulista hawada iyo garoomada ee Puntland.

1/16/2013 2:41 AM EST
Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa la kulmay 20 xubnood oo ka tirsan Congress-ka dalka Mareykanka oo uu ku jiray mudane keliya ee muslimka ah ee laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Keith Ellison.

1/16/2013 2:39 AM EST
Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Qaylo-dhaan aad u xooggan ayaa bilihii u danbeeyey kasoo yeereysey kaluumaysatada Puntland, gaar ahaan kuwa gobolka Bari, waxayna la xiriirtaa maraakiibta shisheeyaha ee sida aan sharciga ahayn uga kaluumaysta xeebaha Soomaaliya.