4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Ciidamada ammaanka Puntland oo sheegay in ay maanta qabsadeen fariisin ay Shabaabku ku lahaayeen aagga Gal-Gala.

Talaado, Janaayo 15, 2012 (HOL)- Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan aagga deegaanka Gal-Gala ayaa sheegay in ay maanta qabsadeen goob fariisin u ahayd xoogagga Al-shabaab ee uu fadhigoodu yahay buuraleyda Golis.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee aagga Sugurre Col. Jaamac Siciid Warsame, oo waraysi siiyey idaacadda ku hadashada afka dowladda Puntland ayaa sheegay in ay si nabad ah kula wareegeen saldhig ciidan oo Shabaabka muhiimad weyn ugu fadhiyey.

Wuxuuna intaas raaciyey in goobta ay maanta gaareen lagu magacaabo Ceel-unkud, islamarkaana uusan jirin wax dagaal ah oo goobta ka dhacay iyo khasaare soo gaarey dhanka ciidamada.

"howlgal qorsheysan baa la qaaday, goobta laga sameeyeyna waa soonka Gal-Gala, fariisin muhiim u ahaa oo u dhowaa Laamiga oo ay ka adeegan jireen ayaa maanta la burburiyey"

Col. Jaamac ayaa ugu danbeyntii sheegay in ciidamadu ay fariisimo ka sameysteen deegaannada Balli Khadar iyo Dhadhaabo oo ku dhow Gal-Gala, halkaasoo uu sheegay in xiligan ay xoogagga Shabaabku ku sugan yihiin.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa dhulka buuraleyda ah ee koonfur galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso - gaar ahaan deegaanada hoos taga degmada Gal-Gala - ka dhacay dagaalo badan oo dhex maray cidamada ammaanka Puntland iyo Al-shabaab.

Waxaana xusid mudan in ay deegaanadaas kasoo barakaceen boqolaal qoys oo beeraley u badnaa; kaddib markii ay adkaatay in gaadiidka iyo maciishadda daruuriga ahi ay si fudud deegaanadaas ugu gudbaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya