4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Machadka Khadiija Bintu-Khuweylad ee Degmada Laas-caanood oo soo gaba-gabeeyay Imtixaankii Teeramka

Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Machadka islaamiga ah ee Khadiiga Bintu-Khuwaylid ee ku yaalla magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool ayaa shalay u soo gabagabeeyay ardayda dhigata imtixaanaadkii la qaadi jiaray bartamaha sannadka iyadoo ay u fadhiisteen arday tiradoodu dhan tahay 1,335 arday.

Maamulaha macdaka, Xuseen Macallin Aadan oo warbixin kooban ka bixiyay machadka Khadiija Bintu-Khuwaylid ayaa sheegay in tirada ardayda wax ka barata ay garayaan 1357 arday oo 350 ka mid ah ay rag yihiin inta kalana dumar yihiin, hase ahaatee 22 ka mid ah aysan u suuro-gelin inay ka qayb-galaan imtixaanka duruufo gaar ahaaneed awgeed, isagoo intaas ku daray in ardayda dhigata gellinka hore iyo kan dambe ay yihiin dumarka maadama uu machadkani xoogga saaro waxbarashada gabdhaha.

Maamulaha ayaa carabbaabay in machadkan ay ka farcameen 12 dugsi oo oo lagu barto Qur’aanka iyo higaadda lagana akhriyo kutubta yar-yar iyadoo aan ardayda dhigta wax lacag ah laga qaadin, waxayna madaaristan ku kala yaallaan magaalada Laas-caanood.

Machadkan ayaa duruusta lagu dhigto ay isugu jiraan maadi iyo diini; iyadoo maaddada Soomaaliga iyo xisaabtana ay ka mid yihiin maadooyinka lagu qaato,  waxaana lagu qiimeeyay dugsi hoose iyo dhexe; iyadoo ardayda ka aflaxda ay u gudbaan machadka Al-furqaan oo isaguna gobolka ku yaalla.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool