4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Ururka isku-xirka Suxufiyiin​ta Gobolka Hiiraan HIJONET oo dowladda Somalia ka dalbaday in lasii daayo Wariye C/casiis Koronto

Talaado, Jannaayo, 15, 2013 (HOL) -- Iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada caalamiga ah ee loo jeedinayo dowladda Soomaaliya ee looga dalbanayo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sii deeyso wariye C/casiis Cabdinuur Ibraahim Koronto iyo dad rayid ah oo la xiran, ayeey ururka isku-xirka suxufiyiinta Hiiraan oo loo soo gaabiyo HIJONET waxa ay cambaareyn dusha uga tuurayaan xariga wariyaha, iyaga oo dhinacooda dalbanaya in dib xuriyadiisa loo siiyo.

War-saxafadeed ka soo baxay ururka ayaa lagu sheegay in wariye C/siis Koronto oo maalintii shanaad ku xiran xarunta danbi-baarista CID -da, uu yahay mid xad gudub ah, madaama ilaa waqtigaa aan wax maxkamad ah la hor keenin wariyaha.

‘’Qofna ma xirnaan karo mudo ka badan 24 saac isaga oo aan wax maxkamad ah la soo taagin, sidaa daraadeed waxaa ka dalbaneeynaa dowladda in aysan qeyb ka noqon xad gudubyada ka dhanka ah warbaahinta," ayaa lagu yiri war ka soo baxay ururka isku xirka suxufiyiinta Hiiraan.

Mas’uuliyiinta sare ee dowladda ayuu ururku ugu baaqay in ay arinta soo fara-galiyaan, madaama ilaa iyo waqtigan aysan ka hadlin xariga wariye C/siis C/nur Ibraahim Koronto.

‘’Suxufigu xaq ayuu u leeyahay in uu iftiimiyo xad gudubyada lagula kacayo dadka rayidka ah, taa badalkeeda ma aha inuu xarig ku muteysan karo," ayaa sidoo kale lagu sheegay warka ka soo baxay ururka isku xirka suxufiyiinta Hiiraan ee HIJONET.

Horay waxaa xariga wariyaha u cambaareeyay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch iyo ururro kale oo caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha saxaafadda, kuwaasoo dhamaantood dowladda ka dalbaday in xuryadiisa loo soo celiyo wariyaha.

Wariye C/casiis Koronto oo ka mid ah shaqaallaha warbaahinta Radio Dalsan ayaa la sheegay in loo heysto wareysi uu ka qaaday qof dumar ah oo ka mid ah barakacayaasha Muqdisho oo sheegtay in ay kufsadeen rag xirnaa dareyska ciidamada, laakiin mas’uuliyiinta Idaacada uu ka howlgalo Wariye C/casiis waxaa ay sheegeen in wareysigaasi aan la sii deyn oo uusan ka bixin Idaacadda, taasoo meesha ka saareeysa sabab uu xariga ku muteysan karo wariyaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya