3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2013
AMISOM oo Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya u qabanaysa Tababaarro ay aqoontooda ku kobcinayso

Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay tababarro siinayaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda si ay sare ugu qaaddo aqoonta shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda Soomaaliya, iyagoo sheegay inay tani qayb ka tahay howlaha ay u joogaan Soomaaliya.

Tababarradan ayaa waxaa ka qaybqaadan doona 120 shaqaale ah oo ay ku jiraan xoghayeyaal, saraakiisha anshaxa iyo maamulayaal, iyadoo dhaqaalaha ku baxaya tababarka ay bixin doonto dowladda Talyaaniga, waxaana bixin doonta tababarka jaamacadda Koonfur Afrika (UNISA).

“Siminnaarka waxaa loo qaybiyay laba waji oo kan hore uu dhici doono 14-ka illaa 20-ka bishan Jannaayo 2013, halka wajiga labaadna uu dhici doono 21-ka illaa 24-ka isla bishan, waxaana tababarradu ay ka dhici doonaan magaalada Bujumbura ee dalka Burundi,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM.

Qorshahan ayaa ka dhashay kulan lagu qabty magaalada Kampala bishii Maarso ee sannadkii 2010. Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in AMISOM ay waddo qorshe ay ku dhisayso aqoonta shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya.

Dhismaha awoodda aqooneed ee shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ayay ku sheegtay AMISOM inay qayb ka tahay lixdii qodob ee uu madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay in inay ku shaqeynayso dowladda uu hoggaanka u hayo.

Ciidamada AMISOM ayaa horay tababarro u siiyay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen inay qayb ka tahay howgalka ay u joogaan Soomaaliya, balse tababarkan ayaa noqonaya kii uug horreeyay noociisa oo ay u fidiyaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/10/2013 2:17 PM EST
Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Saylac ayaa sheegaya in munaasabadii xil-wareejinta Maayarka cusub ee degmadaas ay si wanaagsan ugu dhacday xarunta barasaabka gobolka Selel waxaana kasoo qayb-qalay xil-wareejintan saraakiil ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo mas’uuliyiin kale.

1/10/2013 2:16 PM EST
Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) —Isbitaalka lagu daweeyo cudurka qaaxada (TB-da) ee magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta la gaarsiiyay deeq lacageed oo loogu talo-galay in lagu quudinta dadka lagu daweynayo isbitaalkaas.

1/10/2013 10:06 AM EST
Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya wafdi ka socday Bankiga Adduunka, isagoo u sheegay inay diyaar u yihiin inay qayb ka noqdaan Bankiga Adduunka kaddib labaatan sano oo colaado ah.

1/10/2013 10:05 AM EST
Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Jabuuti ayaa ku dilay toogasho wiil 14-jir ah kaddib markii ay rasaas ku fureen mudaaharaad nabadeed oo ka dhacayay magaalada Obokh, iyadoo rasaastaas ay tiro kale oo dad ah ku dhaawacmeen, sida ay shaacisay hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha oo magaceeda loosoo gaabiyo FIDH.

1/10/2013 9:11 AM EST
Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa sheegay maanta oo Khamiis ah in ciidamada Midowga Afrika ee howgallada kawada gudaha Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka gaareen, isagoo sidoo kale sheegay in ciidamada dowldda Soomaaliya hadda kaddib lagu tababari doono gudaha dalka.

1/10/2013 8:59 AM EST
Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Dowladda Maraykanka ayaa shan milyan oo doollar dul-dhigtay laba ruux oo u dhashay dalka Suudaan oo la rumeysan yahay inay ka barbar dagaalamaan Al-shabaabta Soomaaliya, iyadoo saraakiil Mareykanka u hadlay ay sheegeen in ruuxii xogta labadan qof keena ay siinayaan lacagtaas.

1/10/2013 3:49 AM EST
Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) —Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socoto qabanqaabadii ugu danbeeysay oo loogu jiro in dib loo ambaqaado shirkii maamul u sameynta gobollada Jubooyinka kaasoo mudooyinkii u danbeeyay uu hakad ku yimid.

1/10/2013 3:07 AM EST
Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan islamarkaasina ku labisan dareeska ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhibaatooyin ba’an ku haya gaadiidka rakaabka ee isticmaala qeybo katirsan gobolka Shabeelaha hoose.