4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Guddiga Doorashooyinka Puntland oo shaaciyay Ururrada ama Xisbiyadii soo buuxiyey shuruudaha diiwaan-gelinta

Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Iyadoo ay shalay ku ekeyd muddadii ay horay guddiga doorashooyinka ee Puntland ugu qabteen furashada ururada siyaasadda, ayaa waxaa si rasmi ah loo shaaciyey ururada buuxiyey shuruudihii diiwaan gelinta ee uu guddigu aqoonsaday.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Prof. Maxamed Xasan Barre, oo magaalada Garoowe shir jaraa'id ku qabtay, ayaa sheegay in uu soo idlaaday wejigii koowaad ee diiwaan gelinta, loona gudbayo wejiga labaad.

"Waxaan shir saxaafadeedkan u qabanay si aan bulshada ugu sheegno heerka uu marayo geedi socodka howlaha doorashooyinka, waxaa guddiga sharaf u ah in uu ku dhawaaqo ururada buuxiyey wejigii hore ee diiwaan gelinta" prof. Barre oo warbaahinta la hadlayey ayaa yiri.

Magacyada ururada ku guuleystey in ay ka gudbaan wejiga hore ee diiwaan gelinta, waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Axmed Mexamed (Dubeys), oo ah xubin ka tirsan guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

"Waxaa hadda oo ay saacadu tahay 5:00 galabnimo 31 Dec, 2012 ku ekaa wakhtigii loo qabtay wejiga 1-aad ee diiwana gelinta ururada siyaasadda, sidaas darteed, waxaa hadda soo buuxiyey shuruudaha lix urur oo kala ah: Horseed(xisbul xaakimka), Hor-cad (horumar iyo cadaalad) , Midnimo, EDP(ururka dimuqraadiyadda Puntland), Wadajir iyo UDAD(ururka dadka Puntland".

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland ayaa mar wax laga weydiiyey sababta loo reebay ururada kale ee aan lagu dhawaaqin, wuxuu yiri: "intii anaga nasoo gaartay oo buuxisey nidaamkii loo dejiyey ayaan maanta halkaan kaga dhawaaqnay, way jiraan kuwo codsaday in wakhtiga loo dheereeyo, laakiin nasiib darro ma dheereyn karno, howlo badan baa yaal, laakiin anagu waxan aqoonsan nahay inta nasoo gaartey".

Ururada aan ku guuleysan in ay shuruudaha diiwaan gelinta buuxiyaan oo ku haray wereegga 1-aad ayaa kala ah: Gahayr iyo Talo-wadaag oo magaalada Garoowe looga dhawaaqay iyo ururka Ugub oo isagu ahaa kii labaad ee furitaankiisa la shaaciyey loogana dhawaaqy magaalada Boosaaso.

Ugu danbeyntii guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in wejiga 2-aad ee diiwaan gelinta ururada siyaasaddu uu ka bilaabmayo Jen 1, 2013 kuna egyahay Feb 10, 2013. Ururada siyaasadda Puntland ayaa ku loolami doona doorashooyinka goleyaasha degaanka, waxaana sadexda ugu codadka bata ee doorashada kusoo baxaa ay noqon doonaan sadex xisbi oo rasmi ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya