4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2013
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Magaalada Baladweyne oo Xukunno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Eedeysaneyaal

Jimco, Feberaayo, 08, 2013 (HOL) -- Mas’uuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliya oo maalintii shalay gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa maanta xukunno isugu jira dil toogasho iyo xabsi waxaa ay ku riday eedeysanayaal la hor keenay maxkamadda.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maalintii shalay guda gashay dhageysiga dacwado kala duwan oo lagu soo oogay ilaa 19 eedeysane oo in mudo ah ku xirnaa saldhigga magaalada Baladweyne, ayaa maanta go’aan ka gaartay dhamaan dacwadihii la hor keenay.

Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha darajada koowaad ee maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukunka ku dhawaaqay ayaa Afar ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu eedeeyay in ay geysteen dilal bareer ah waxaa uu sheegay in lagu xukumay dil toogasho ah, halka sagaal kalena lagu xukumay xabsi u dhaxeeya 25 sano ilaa Lex bilood, waxaana dacwadahooda dib loo dhigay Lix ruux.

''Dadka la soo eedeeyay waxaa ay gaarayeen 19 ruux, Afar ka mid ah oo si bareer ah dil u geystay waxaa ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, Sagaal kalana waxaa lagu riday xukun xabsi ah oo u dhaxeeya 25 sano ilaa 6 bilood, waxaan dib u dhignay dacwadahooda Lex ka mid ah dadka la soo eedeeyay oo wali kiisaskooda la soo kala cadeyn,'' ayuu yiri Liibaan Cali Yaroow.

Afarta ruux ee maxkamada ciidamada qalabka sida ku riday xukunka dilka ah ayaa waxaa ka mid ah gacan ku dhiigle 27 November sanadkii 2012 ku toogtay magaalada Baladweyne guddoomiyihii gollaha guurtida gobollka Hiiraan nabadoon Max’ed Sheekh Xusseen Maryacade, halka sadax kalana ay ka tirsanayeen ciidamada dowladda.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa siweyn u soo dhaweeyay xukunka ay riday maxkamada ciidamada qalabka sida, iyaga oo sheegay talaabada noocan oo kale ah tahay mid ay dadka ku kala badbaadayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya