4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2013
RA’IISUL WASAARE SAACID: “Garsoorka Somalia waa mid ka Madax-Bannaan Hay’adaha kale ee Dowladda”


Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in hay’adaha garsoorka dalka ay ka madaxbannaan yihiin hay’adaha kale ee xukuumadda, isagoo xusay in maxkamaduhu ay iyaga u madaxbannaan yihiin xukunnada ay ridayaan.

Hadalkan ayuu ra’iisul wasaaraha kaga jawaabayay hadallo kasoo baxay beesha calaamka oo ku saabsan in xukunkii lagu riday wariyaha iyo haweeney sheegtay in la kufsaday uu ahaa mid cadaalad-darro ah.

“Soomaaliya waxay leedahay garsoor madaxbannaan, maxkamaduna iyada ayaa qaadatay go’aankeeda, balse xukuumaddu dib u eegis ayay ku sameyn doontaa go’aankaas,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in garsoorka Soomaaliya uu yahay mid ka madaxbannaan hay’adaha kale ee dowladda, sidaas daraadeedna go’aanka ay gaaraan uu yahay mid ay iyagu u madaxbannaan yihiin.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay ilaaliso xuquuqda aadanaha, waxaana sameynay koox madaxbannaan oo baaritaanno ku sameeya tacdiyada xuquuqda aadanaha eek a dhacay dalka 12-kii bilood ee lasoo dhaafay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mudane Saacid ayaa sidoo kale in tiirarka ay ku shaqeynayso xukuumadda uu madaxda uu yahay ay ka mid yihiin in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha ayna ka hortagto wax walba oo lagu dhibaateynayo shacabka.

Qaramada Midoobay iyo dalalka calaamka qaarkood ayaa ku tilmaamay mid laga xumaado xukun min hal sano ah oo maxkamadda gobolka Banaadir ay ku xukuntay haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo wariyihii wareystay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa isaguna dhawaan sheegay in garsoorka dalka uu yahay mid madax-bannaan oo sharciga dalka uusan u ogoleyn inay faragelin ku sameeyaan howlaha garsoorka. Balse dowladda ayaa laga sugayaa inay ka jawaabto dalabka beesha caalamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya