3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2013
Dilal siyaabo kala duwan looga geystay Degmada Gaarisa ee Dalka Kenya iyo Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab-Kenya

Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa siyaabo kala duwan ugu dilay xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya iyo degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo weerarradaas dhaawacyo loogu geystay dhowr qof oo kale.

Hal qof ayaa lagu dilay magaalada Gaarisa iyadoo dhowr qof oo kalena lagu dhaawacay weerarkaas oo ay geysteen kooxo hubeysan oo markiiba goobta ka baxsaday, sida ay sheegeen booliiska Kenya.

“Kooxaha hubeysan waxay rasaas ku fureen gaari ay dadweyne la socdeen, markii ay rasaasta ku fureenna way baxsadeen,” ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, George Losku.

Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo habeenkii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay lagu toogtay bartamaha magaalada Gaarisa sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Kenya.

Dhanka kale, laba qof oo rayid ah ayaa lagu dilay maanta duleedka xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab, kuwaasoo la sheegay inay u baxeen sidii ay xaabo uga soo guran lahaayeen howda ku dhow xerada.

Taliyaha booliiska deegaanka Dhadhaab Shariif Cabdalla, isagoo sidoo kale sheegay in hal qof oo la socday raggan la dilay si xun loo dhaawacay kaas oo lagu daweynayo isbitaal ku yaalla xerada Dhagaxleey.

Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxay hoy u yihiin in ka badan nus malyuun qof oo Soomaali ah, iyadoo tan iyo sannadkii hore ay xerayahaas ka jireen falal ammaan-daro oo intooda badan lagu beegsaday qoxootiga ku jira xeryahaas.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay labadan weerar oo aan la ogeyn inay xiriir leeyihiin iyo in kale, iyadoo weerarradan ay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo sanadkan ka dhaca gudaha Kenya.

Weerarrada ka dhacaya dalka Kenya ayaa sii kordhayay tan iyo markii ay dowladda Kenya go’aansatay inay ciidammo u dirto gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, waxaana saraakiisha Kenya ay weerarrada ku eedeeyaan xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/7/2013 12:54 PM EST
Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Xaflad ballaaran oo lagu caleemo saarayay guddoon cusub oo uu yeesho golaha salaaddiinta, dib u heshiisiinta iyo wacyi-gelinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta looga dhawaaqay Hotel City Palace ee magaalada Muqdisho.

2/7/2013 12:25 PM EST
Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qudbad ka jeediyay shirka ururka Islaamka (OIC) oo Qaahira maanta lagu soo gaba-gabeeyay.

2/7/2013 12:21 PM EST
Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefidigii uu hogaaminayay ayaa la sheegay inuu maanta kulan la yeeshay Danjiraha Dawlada Maraykanka u fadhiya Dalka Kenya Ambassador Ropert F. Godec iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Brian Phipps, oo ah madaxa waaxda safaaradda u qaabilsan Soomaliya iyo Marwo Hodan Hassan oo ah agaasimaha hay’ada USAID.

2/7/2013 9:45 AM EST
Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkoodii maanta uga hadlay qodbo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixin la xariirta safarka ra’iisal wasaaruhu ku shalay ku tagay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, dib u eegis lagu sameeyey guddiga shaqaalaha rayidka iyo erey bixin cusub oo loo sameeyey dhismaha maamulada gobollada dalka.

2/7/2013 9:32 AM EST
Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Xukuumadda Ingiriiska ayaa sheegtay in koox yar oo ciidamadeeda ka mid ah ay u dirayso Soomaaliya taasoo billow u ah iskaashi dhinaca milateriga ah oo ay la yeelanayso dalal ay ku jirto Soomaaliya.

2/7/2013 7:49 AM EST
Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka dalka isla markaana ah ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Khamiis ah kula kulmay xarunta golaha shacabka boqolaal qof oo ka socday ururrada shaqaalaha dalka. Isagoo ka dhageystay baahida ay qabaan.

2/7/2013 6:52 AM EST
Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah oo kasoo baxay magaalada Ceelberde oo sahay u soo waday ciidamadooda ku sugan magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay dagaal culus kula kulmeen meel u dhaxaysa Ceelbarde iyo Xudur oo layiraahdo Teed, iyadoo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay soo kala gaareen labada dhinac.

2/7/2013 6:34 AM EST
Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) —Xildhibaanno kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Baydhabo ayaa waxay ku sheegeen inay kasoo horjeedaan maamulka cusub loo soo magacaabay gobolka Bay.

2/7/2013 6:16 AM EST
Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay dib u furto kiiska wariye C/casiis Koronto iyo haweeneydii la kufsaday ee uu wareystay oo ay maalmo ka hor ay maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay min hal sano oo xabsi ah.

2/7/2013 12:51 AM EST
Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Xukuumadda Jabuuti ayaa xabsiga dhigtay hoggaamiyaha isbahaysiga MRD ee dalka dalkaas, kaddib markii lagu eedeeyay inuu dowladda Eritrea ka dalbaday inay xoog ku gasho dalka Jabuuti si xukuumadda Geelle loo rido.

2/7/2013 12:51 AM EST
Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Ambalaasta ah ayaa Muqdisho ka billaabay howlo ay ugu gurmanayaan xilliyada habeenkii ah oo aanu gaadiidka jirin haweenka uurka leh ee ku jira xilliga foosha iyo caruurta xanuunsan.