4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2013
Qaramada Midoobay oo ka codsaday Dowladda Somalia inay dib u furo Kiiska Wariyaha iyo Haweeney la xukumay


Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay dib u furto kiiska wariye C/casiis Koronto iyo haweeneydii la kufsaday ee uu wareystay oo ay maalmo ka hor ay maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay min hal sano oo xabsi ah.

Madaxa xaquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Navi Pillay ayaa sheegtay in xukunkaas uu ahaa mid ay aad ula yaabeen, iyadoo sheegtay in taasi ay u muuqanayso in looga horjeedo ka hortagga falalka kufsiga ah ee ka dhaca gudaha Soomaailya.

“Xadgudubyada kufsiga ah ee ka dhaca kaamamka ay ku nool yihiin dadka soo barakacay waa arrin jirta, waxaana u aragnaa in xukunkan uu yahay mid dhiirrigelinaya dambigaas,” ayay tiri Pillay. Iyadoo intaas raacisay: “Waa arrin xadgudub ah in haweeney la kufsaday la ciqaabo, sidoo kalena la ciqaabo wariyihii soo wareystay.”

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii hore soo xirtay haweeneyd sheegtay inay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somaaliya kufsadeen bishii Septmber ee lasoo dhaafay, taasoo ku noolayd kaam ku yaalla deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Sidoo kale waxaa la xiray wariyihii wareystay haweeneydaas, laba qof oo kale oo lala xiriiriyay kiiska ayaa iyagana la xiray, inkastoo kuwaas lasii daayay.

Wariye C/casiis C/nuur Ibaahim ayaa lagu eedeeyay inuu faafiyay warar aan sal iyo raad lahayn oo lagu cambaareynayo ciidamada dowladda, sidoo kale haweeneyda dhibbanaha ahayd ayaa lagu eedeeyay inay sheegtay in askar ka tirsan ciidamada dowladda ay kufsadeen.

“Toban casho ka hor ayaan kala hadlay arrintan xukuumadda Soomaaliya,” ayay tiri Pillay oo intaas ku dartay. “Haddan waxaan ugu baaqayaa dowladda Soomaaliya inay si dhaqso ah dib ugu furto dacwadda, ayna u maareyso si cadaaladi ku jirto, lalana xisaabtamo kuwii dhibaatada geystay.”

Sidoo kale, sarkaaladdu waxay hoosta ka xariiqday in arrintan ay khatar ku tahay xorriyadda hadalka iyo madax-bannaanida saxaafadda dalka. Iyadoo la ogyahay in suxufiyiinta si toos ah loola beegsado dilal qorsheysan.

“Ficillada kufsiga waa arrin u furan suxufiyiinta inay baaraan. Looma xirir karo suxufiyiinta loomana xukumi karo arrin ku saabsan howshan,” ayay tiri madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Mrs. Navi Pillay waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay saameynta uu ku yeelan karo xukunka haweeneyda la kufsaday haweenka kale ee Soomaaliyeed ee lagula kaco kufsiga, iyadoo la ogyahay bay tiri in kufsigu uu aad ugu sii kordhayo gudaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii shalay ahayd uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu niyad-jab ka muujiyay xukunka lagu riday wariyaha iyo haweeneyda dhibbanaha ah, isagoo xukuumadda ugu baaqay inay arrintaan dib u eegis ku sameyso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya