4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2013
Taliye ku-xigeenka Koowaad ee Booliska Somaliland oo Maanta Booqasho ku yimid Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal

Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal booqasho maalin ah ku yimid taliye ku xigeenka koowaad ee ciidamada booliiska Somaliland, Jen. C/raxmaan Axmed Liibaan (Fooxle), iyadoo booqashadan lagu sheegay mid loogu kuurgalayay ciidanka booliiska ee ku sugan degmada.

Taliyaha iyo saraakiil la socday ayaa markii ay soo gaareen ayaa waxaa ku biiray mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan dagmada, waxayna soo kormeereen saldhig cusub oo booliska loo dhisayo iyo labada saldhig ee ka howgala degmada.

“Safarkeennu wuxuu ku saabsan yahay inaan tayada iyo tirada ciidamada gobolka u kuur-gallo, sidoo kalena aragno xaaladooda guud, waxaan hore u haynay warbixino badan oo ku saabsan ciidanka iyo cabashooyin naga soo gaaray madaxda ciidanka iyo maamulka gobolka. Si aan tan uga jawaabno, waxaan maraynaa oo aan kormeeraynaa saldhigyada booliiska oo dhan waxaana tirinaynaa ciidanka, innagoo si gaar-gaar ah ula kulmayna intaan howshan ku jirno,” ayuu yore taliye ku xigeenka booliiska Somaliland.

Jen. Fooxle ayaa intaas ku daray inay u socdaan inay tayayaan ciidanka si amnigu u noqdo mid aad u adag oo laga hawl-galay, isagoo xusay inuu u soo jeedinayo ammaan ciidanka iyo madaxdooda, wuxuuna ku boorriyay inay howshooda u gutaan si qaranimmo ay ku jirto.

Markii ay gaareen saldhiga dhismahu ka socdo ayaa waxaa ka warbixiyay sida ay howshu u socoto taliyaha qaybta booliska ee gobolka Awdal, Axmed Xasan Cabdiraxmaan, isagoo sheegay in dhismaha saldhigan uu meel fiican marayo.

“Saldhigan waa saldhig cusub oo aan xaafadfan ugu talo-galnay, dhismahiisu meel fiican ayuu marayaa, waxas dhisaysa dowladda hoose, waxaana rajaynaynaa inuu wax badan ka taro sugidda amniga ee xaafaddan iyo guud ahaan magaalada Boorama,” ayuu yore taliye Axmed Ilka-case.

Guddoomiyaha gobolka Awdal, Axmed Xadi Sidci ayaa ka warbixiyay heerkii uu soo maray saldhigan la dhisayo wuxuuna yidhi: “Waxay ku timid baahida jirta, waa hubaal in magaaladii waynaatay, dhaqaalahana waxaa bixiyay dadka deegaanka, waxaan ka codsanay wasaaradda maaliyadda in kabkii waqtiga kala-guurka,  waanan helnay waxaana ku dhisaynaa saldhigga si amniga wax uga tago.”

Taliyeyaasha saldhigyada bariga iyo bartamaha magaalada Boorama, Cawil Abiib iyo Maxamuud Yuusuf ayaa madaxdan ka siiyay warbixinno taabanaya dhinacyada tayada, tirada iyo deegaanada balaaran ee ay maamulaan markii ay taliyeyaashan boolisku gaareen saldhigyadaas.

Kulan ay albaabbadu u xiran yihiin ayay madaxdani la yeeheen, odayaasha ciidanka ku jira da’da hawl-gabka, inkastoo aan la shaacin wixii looga hadlay kulankan ayaa haddana warar ku dhow-dhow kulanka waxay sheegayaan in taliyeyaashu ay kala hadleen ciidamada howgalka ku dhow sidii ay ciidanka uga tegi lahaayeen uguna biiri lahaayeen liiska hawl-gabka, balse arrimahan ayaa la sheegayaa in la isku maan-dhaafay.

Khadra Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia