4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2013
Wasaaradda Ammaanka Puntland oo Mamnuucday Ilaalada gaarka ah ee aan Dowladda u Diiwaan Gashaneyn

Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtay xarunta wasaaradda ee magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay arimo badan.

Wasiirka ayaa ugu horeyn sheegay in maanta laga bilaabo aan la ogoleyn in ilaalada gaarka ahi iyaga oo hubeysan ay gaadiidkooda magaalooyinka la dhex maraan; haddii aysan dowladda ogolaansho ka haysan.

“Maanta laga bilaabo gaari ay wadan karaan ciidan gaar ah oo aan dowladda ka diiwaan gashaneyni majiro, ciddii lagu qabtana waa la xirayaa, maxkamad ayaana lala tiigsan”

Wasiirka ayaa mar la weydiiyey sida ay arintani suurtagal ku noqon karto, maadaama ay jiraan mas’uuliyiin badan oo dowladda horay xilal uga soo qabtay, kuwaasoo ammaankooda u baqaya wuxuu yiri:

“Ammaanka wasaaradda ayaa mas’uul ka ah, anagu ma diidanin in mas’uuliyiintu ay ilaalo gaar ah yeeshaan, laakiin waa inay noqdaan wax la ogyahay oo ay dowladdu ka warqabto”

Col. Khaliif ayaa dhinaca kale digniin culus u diray  dad uu sheegay in ay ku howlan yihiin sidii ay Puntland khalkhal iyo fowdo uga abuuri lahaayeen.

“Dadka rabshadda abuuraya oo aan hebel iyo hebel u naqaan, haday ka joogsan waayaan waan soo qabaneynaa, sharciga ayaana la horgeynayaa, hadii ay dagaalamaanna waa lala dirirayaa, waana la leynayaa” Col. Mudan ayaa yiri.

Hadalka wasiirka amniga Puntland ayaa imaanaya maalin kadib markii ay ciidamada ammaaku rasaas ku kala eryeen dibax-baxayaal qorsheynayey in ay magaalada Boosaaso ka dhigaan, muddaaharaad looga soo horjeedo geedi-socodka Dimuqraadiyadda ee Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya