4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo shaaciyay in Xukuumaddiisu ay ka hortagayso Kufsiga Haweenka iyo Dhibaateynta Suxufiyiinta


Axad, Feberaayo 03, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegtay maanta oo Axad ah in Dowladdu ay difaaci doonto haweenka la kufsdo, kaddib markii hay’daha deeqaha bixiya iyo kuwa xuquuqda aadanaha ay cambaareeyeen xarigga haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidammo ka tirsan dowladda iyo wariye wareysi la yeeshay.

Dacwadda ku saabsan haweeneyda la kufsaday oo 27-jir ah, ninkeeda iyo wariyaha ayay caalamku sheegeen inay walaac ka qabaan inay saameyn ku yeelan karto kufsiga dalka ka dhaca iyo xorriyadda saxaafadda Soomaaliya.

“Waan la soconnaa walaaca ay arrintan ka qabaan hay’adaha caalamiga ah ee aan xiriirka leenahay, waxaana la socdaa xaaladdan saameynta ay ku yeelan karto shacabkeenna,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dacaddan ay tahay mid la siyaasadeynayo, isla markaana lagu daboolayo xadgudubyada kufsiga ah ee ay geysanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya. Iyadoo Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ay muujiyeen walaaca ay ka qabaan xaaladda kuwa la kufsado.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in marka laso gabagabeeyo dacaddan ay isbedel ku sameyn doonaan ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale garsoorka oo uu sheegay inay dhibaatooyin uu la kulmo.

Hay’adaha u dooda saxaafadda iyo kuwa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xariga loo geystay wariyaha wareystay dhibbanaha la kufsaday ay tahay weerar lagu soo qaaday xorriyadda warbaahinta iyo xorriyatul qowlka.

“Suxufiyiintu waxay ku shaqeeyaan xaalad aad u adag, waxaana naga go’an inay shaqooyinkooda gutaan iyagoo aan qabin wax baqdin ah,” ayuu Saacid yiri, isagoo intasa ku daray. “Xukuumaddu waxay dhisaysaa guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeya kufsiga haweenka lagula kaco iyo weerarrada ka dhanka ah wariyeyaasha.”

Dalka Soomaaliya ayaa ah kan ugu khatarta badan ee ay ka howlgalaan suxufiyiinta, iyadoo sannadkii hore ee 2012 oo keliya lagu dilay Soomaaliya oo dhan 18 wariye oo qaarkood lagu dilay qarax ismiidaamin ah.

Wariye C/casiis C/nuur Ibraahim iyo afar qof oo kale oo ay ku jirtay haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda ayaa lagu wadaa in dacwaddooda lasoo gabgabeeyo maalinta Talaadada ah ee soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya