4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2013
Iska-horimaadyo xalay dhex-maray Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee USN iyo Ciidamada Ammaanka Jabuuti


Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayaa waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka socday isku-dhacyo u dhexeeyay ciidamada ammaanka Jabuuti iyo taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee USN oo ka cabanaya natiijadii doorashooyinkii golaha baarlamaanka Jabuuti.

Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane ayaa ugu baaqay mucaaradka haddii ay cabasho qabaan inay u gudbiyaan guddiga dastuuriga ah ee Jabuuti, balse aan loo baahnayn inay abuuraan dhibaatooyin nabadda wax u dhimanay.

“Natiijooyinkii hordhaca ahaa ee doorashooyinka waa lasoo saaray, waxaana ugu baaqaynaa ciddii cabasho qabta inay cabashadooda u gudbiyaan guddiga dastuuriga ah ee dalka, balse looma baahan in la abuuro falal lagu doonayo in lagu waxyeelleeyo nabadda iyadoo la adeegsanayo dhallinyaro aad u da’yar,” ayuu yiri Hufane.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in culummada ku jira mucaaradka ay u adeegsanayaan dhallinyaro aad u da’yar sidii ay nabadgalyo xumo dalka uga abuuri lahaayeen, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan ka qayb-galka dibadbaxyadaas.

Xisbiga mucaaradka ah ee USN ayaa ah xibiga kusoo xiray kan talada haya ee UMP, balse mas’uuliyiinta xisbiga ayaa kasoo horjeestay natiijadii la sheegay inay ka heleen doorashadii golaha baarlamaanka Jabuuti.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee CDU, Cumar Cilmi Khayre oo isna hadlay ayaa ugu baaqay shacabka Jabuuti inay ka digtoonaadaan in rabshad la abuuri, wuxuunna xukuumadda ugu baaqay inay wadahadal isugu keento dhammaan dhinacyadii ka qaybgalay doorashadii baarlamaaniga  ahayd ee dalka.

“Waan ka xunnnahay rabashadaha dalkeenna ka socda labaadii casho ee la soo dhaafay kuwaasoo ka dhashay doorashooyinkii baarlamaaniga ahaa. waxaan doonaynay in doorashooyinkaas aan ka dhaxalno dimuqraadiyad, balse marnaba ma filayn inay ka dhalan doonaan rabshadaha, aad iyo aad ayaan uga xunnahay. Waxaan leennahay walaalahayaga USN waa inaan laga shaqeyn in dalkeenna uu burbur galo, si aan uga nabadgalyo waxaan idin weydiisanaynaa inaad joojisaan rabshadaha. Shacabkana Jabuutina waxaan leeyahay waa in nabadgalyada la ilaaliyo oo wixii rabshado ah laga fogaado,” ayuu yiri Cumar Khayre.

Ugu dambeyn, hoggaamiyahan mucaaradka ah wuxuu ugu baaqay dowladda in wadahadal lagu dhameeyo khilaafaadyada taagan, lana sii daayo dadka u xirxiran inay rabshadaha socda ka dambeeyeen.

Xukuumadda Jabuuti ayaa waxay u ogolaatay mucaaradka inay si rasmi ah uga mid noqdaan baarlamaanka muddo laga joogo 10-sano, balse natiijadii doorashooyinkii baalamaaniga ayaa laga dhaxlay rabshado ay dhigayaan taageerayaasha mid ka mid ah xibsiyada mucaaradka ah ee Jabuuti.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya